Qiso: Runtu Waa Wadooyinka Badbaada!

0
48

Markii ay eryadeen labada nin oo budhcada ahi wiilka yar, isaguna cagaha ayuu wax ka deyay , waxaana uu arkay goob guri ah oo lagu dhuuman karo. Guriga hortiisa waxaa fadhiyey oday waayeel ah, wiilkii wuxuu odaygii ku yidhi: “adeer waa lay eryanayaa waxaan doonayaa inaan halkaan ku dhuunto, odaygii uma jawaabin, wiilkii wuxuu iska galay meeshii, si uu uga dhuunto labada nin ee eryanayay, ayaa odeygii oo meeshii iska fadhiya soo gaadhay iyagoo  raadinaaya wiilkii.

Odaygii ayay ku yidhaahdeen : adeer wiil yar oo ordaaya oo naga soo baxsaday halkaan ma soo maray, odaygii ayaa ugu jawaabay: haa, wuxuuna ku dhuuntay gurigaas inta uu u tilmaamay halkii uu ku jiray. wiilkii yaraa aad ayuu uu naxay cabsi badana wey ku dhacday.

laakiin nasiib wanaag labadii nin ee budhcadda ahaa waxay u qaateen been oo u doonayo inuu ka reebo ama dadka guriga ku jira ay qabtaan oo la xidho. Waana ay iska  tageen oo raadiskoodii iska wateen, markii ay fogaadeen ayaa wiilka yari soo baxay.

Isagoo cadho ka muuqato ayuu odaygii ku yidhi: “adeer adigu naxariis miyaanad lahayn, miyaanad ii damqaneynin? maxaad ugu sheegtay meesha aan ku dhuuntay?”, odaygii ayaa ugu jawaabay hadal xikmadeysan isagoo yidhi:“ haddey beentu wax badbaadineyso, runtuna way badbaadisaa”, haddii aan been u sheegi lahaa, dembi ayaan geli lahaa, adiguna waxa laga yaaba inaanad badbaadeen. ogow runta waa waddada lagu nabadgelyada