Hargeysa (Dawan) Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa si adag u difaacay Xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil, Kana hadlay aqoonsiga iyo safaaradda ay Somaliland ka furtay magaaladda barakaysan ee Qudus. Siyaasigu waxa kale oo uu sheegay in tan iyo markii dawladda Israa’iil ay aqoonsatay xaqa sharci ee dadka Somaliland ay huluulaha ka soo baxeen cadowyadii Somaliland ee weligoodba ka soo horjeeday madaxbanaanida qaran ee JSL.
Cali Guray waxa uu sheegay in dadka Somaliland aan lagu jahawareerin karin arrimaha la xidhiidha magaalada Qudus oo uu sheegay in ay u qaybsan tahay laba qaybood oo kala ah Bariga Qudus oo ka tirsan Falastiin iyo Galbeedka Qudus oo ah caasimada Israa’iil, isla markaana ay ku yaallaan xarumo badan oo dawladeed iyo safaarado shisheeye, sidoo kalena Qudus ay tahay goobta ugu mudan ee calanka Somaliland laga taagi karo.
Sidoo kale Siyaasi Cali Guray waxa uu ku dooday in haddii Somaliland safaarad ka furato Galbeedka Qudus aanay taasi khusayn muranka ku saabsan Bariga Qudus iyo mustaqbalka dawlad Falastiin, waxaanu sheegay in arrintaasi tahay mid siyaasadeed oo u gaar ah dhinacyada ku muransan dhulkaasi. Isla markaana aanay shaqo ku lahayn arrimo diimeed.
Mujaahid, Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) waxa uu sidan ku sheegay qoraal uu ku baahiyay boggiisa Internetka, kaas oo u dhignaa sidan: “Tan iyo intii dawladda Israel ay aqoonsatay xaqa sharci ee dadka Somaliland ay u leeyihiin aayo ka tashigooda, waxa huluulaha ka soo baxay, cadowyadii iyo cadow kalkaaladii shacbiga Somaliland ee weligoodba ka soo horjeeday madaxbanaanida qaran ee JSL. Maxayse ugu taalaa Somaliland way tagtay halka ay joogto hore ayay uga sii soconaysaa hal talaabo in ay u noqotana dalqad baa ka taal oo waa ka xaaraan.
Ma jiro dhul ka khayr badan magaalada Qudus oo laga taagi lahaa calanka tawxiidka leh ee Somaliland. Dadka Maaha In La Majare Habaabiyo. Magaalada Qudus waa Galbeed iyo Bari. Galbeedka Qudus ma jirto cid diidan iyo xeer caalami ah oo diidan in ay noqoto caasimadda Israil. Waxa la isku haystaa bariga Qudus ha noqoto caasimadda Dawlad Falastiin oo aan ilaa hadda wax jira ahayn.
Safaaradda Somaliland kuma taalo dhul Falastiin ee waxay ku taalaa Qudusta Galbeed oo Yuhuudu ay gaar u leedahay. Qudusta Bari hadii ay noqonayso caasimadda Falastiin iyo hadii kaleba maaha hawl Somaliland u taal. Qadiyada Falastiin ee Carabta iyo Yuhuudu ay isku hayaan waxa la isku hayaa waa dhul ee maaha diin, sida ay wadaadada Ictisaam Bin Itixaad ay dadka ugu dhigaan.
Qudus waa magaalo barakaysan oo kulmisa sedex diimood oo samaawi ah. Dhulka ka kayrka badan ee calanka Somaliland ee tawxiidku ku xardhan yahay laga taagi lahaa waa halkee, marka arinku diin yahay ee siyaasadba laga tago.”




















