Somaliland iyo Jarmalka oo Ballaadhiyay Is-kaashiga Horumarinta Qaranka

0
83

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa shalay kulan la qaadatay Madaxa Iskaashiga Horumarineed ee Dowladda Jarmalka, Simon Hagemann, kaas oo lagaga hadlay xoojinta iskaashiga horumarineed ee u dhexeeya Somaliland iyo Dowladda Jarmalka.

Kulankan ayaa lagu xaqiijiyey sii wadista taageerada Dowladda Jarmalku siiso Somaliland, gaar ahaan dhinacyada biyaha iyo fayadhowrka, adkaysiga isbeddelka cimilada, horumarinta beeraha, tababarrada xirfadaha, maaraynta socdaalka iyo ka hortagga tacaddiyada ku salaysan jinsiga.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa uga mahadcelisay Dowladda Jarmalka taageerada joogtada ah ee ay siiso Somaliland, waxayna xustay muhiimadda iskaashiyadani u leeyihiin hirgelinta mudnaanta horumarineed ee Qaranka iyo kor u qaadista nolosha bulshada.

Madaxa Iskaashiga Horumarineed ee Dowladda Jarmalka ayaa dhankiisa adkeeyey sida ay Dowladda Jarmalku uga go’an tahay sii wadista taageerada Somaliland, gaar ahaan dhinacyada kor u qaadaya adkaysiga bulshada, koboca dhaqaalaha iyo horumarinta hay’adaha dawladda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey horumarinta adeegyada biyaha iyo fayadhowrka, taageerada bulshada reer miyiga ah ee la tacaalaysa saamaynta isbeddelka cimilada, kor u qaadista wax-soo-saarka beeraha iyo tayada badeecadaha, iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu maareynayo socdaalka iyo ilaalinta bulshada nugul.