Himilada Xisbiga WADDANI: Siyaasad Ku Dhisan Mabda’ iyo Ka-Qaybgal Bulsho

0
40

Hargeysa (Dawan) Xisbiga WADDANI waxa uu muddooyinkii u dambeeyey qaaday tallaabooyin siyaasadeed oo muujinaya bisayl, hal-abuur iyo aragti fog, kuwaas oo ku wajahan nidaan hufan oo lagu dhisayo xidhiidh siyaasadeed oo salka ku haya wada-tashi, is-dhexgal iyo kalsooni u dhexaysa xisbiga, bulshada iyo hay’adaha uu hoggaamiyo. Tallaabooyinkan ayaa ka tarjumaya dadaal lagu xoojinayo ka-qaybgalka shacabka, dhegaysiga aragtidooda iyo in siyaasadda loo beddelo hannaan ku dhisan wada-shaqayn iyo isku-xidhnaan joogto ah.

Barnaamijka “LA HADAL XISBIGAAGA” ayaa ka mid ah tallaabooyinka cusub ee xisbiga ku soo kordhiyey saaxadda siyaasadda Somaliland, isaga oo abuuraya madal ay si joogto ah isugu xog-waraystaan taageerayaasha, hoggaanka xisbiga iyo masuuliyiinta xukuumadda. Waa hannaan muujinaya muhiimadda ay leedahay in la maqlo codka bulshada, taladana laga dhigo qayb ka mid ah go’aan qaadashada siyaasadeed.

Dhanka kale, Xisbiga WADDANI waxa uu noqday xisbigii ugu horreeyey ee Jamhuuriyadda Somaliland si rasmi ah bulshada ugu soo bandhiga Mabaadi’diisa Siyaasadeed (Political Ideology), taas oo ka dhalatay dedaal muddo dheer socday, cilmi-baadhis, dood cilmiyeedyo iyo wada-tashi lala yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Soo bandhigista aragtidan siyaasadeed ee lagu qabtay kulan dadweyne oo dood-cilmiyeed ah oo ka dhacay Hargeysa waxay ahayd tallaabo muujinaysa in xisbigu ka koray arragtida siyaasaddeed ee ku dhisan kaliya olole iyo hal-ku-dhegyo, isla markaana uu u gudbay siyaasad ku dhisan fikir, mabda’ iyo qorshe fog. Ka qaybgelinta bulshada ee diyaarinta aragtidan, iyada oo la ururiyey talooyin iyo fikrado kala duwan, waxay muujinaysaa hab siyaasadeed oo ku dhisan wada-tashi iyo dhegaysi.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa noqday hoggaamiye hormuud ka ah hirgelinta hannaankan cusub ee siyaasadeed, kaas oo salka ku haya daahfurnaan, ka-qaybgal bulsho iyo dhisidda hay’ad siyaasadeed oo leh jihayn cad. Ansixinta Mabaadi’da Siyaasadeed ee xisbiga waxay astaan u tahay marxalad cusub oo WADDANI ku doonayo inuu ku xoojiyo aqoonsigiisa siyaasadeed iyo himiladiisa mustaqbalka.

Tallaabadani waxay WADDANI ka dhigaysaa xisbi door muuqda ka qaadanaya kobcinta dhaqanka siyaasadeed ee Somaliland, maadaama uu ku dadaalayo in siyaasadda lagu saleeyo aragti iyo mabaadi’ la fahmi karo. Siyaasad ku dhisan fikir, qorshe iyo wada-tashi waxay ka qiimo badan tahay siyaasad ku kooban xilli doorasho ama tartan gaaban.

Sidoo kale, ku soo biirista xisbiga WADDANI ee siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta miisaan leh waxay ka tarjumaysaa kalsoonida sii kordhaysa ee lagu qabo jihada iyo hoggaanka xisbiga. Hadalka Guddoomiye Xirsi ee ahaa in WADDANI yahay “xisbi qaran oo bulshadu u siman tahay, laguna soo kala horreeyo balse aan la kala lahayn” waxa uu xambaarsan yahay farriin ku saabsan midnimo, furfurnaan iyo in xisbigu yahay madal u furan muwaadiniinta doonaya ka qaybgalka siyaasadda.