Awooda Tehran ee marin biyoodka Hormuz waxay adduunka gelisay xaalad adag

0
5

Ciidamada Badda ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa sheegay inay si ku meel gaadh ah u xidheen Marinka Hormuz “ilaa amar dambe”, sida laga soo xigtay IRIB, oo ah warbaahinta dowladda Iiraan.

Bayaan ay soo saartay Wakaaladda Wararka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Ciidamada Badda ee IRGC waxay ku sheegeen in faragelinta shisheeye iyo isku dayga lagu doonayo in lagu dejiyo waxa ay ugu yeedheen “waddo sharci darro ah” oo loogu talagalay maraakiibta marinaysa marin biyoodka ay jawaab adag ka bixin doonaan.

Waxay sheegtay in dhowr markab ay iska indho tireen digniino ku aaddan inay saxaan jidkooda oo ay u gudbaan waddada la ansixiyay. Mid ka mid ah markabkii, oo ay sheegtay inuu damiyay nidaamyadiisa isla markaana uu halis geliyay amniga badda, ayaa la joojiyay ka dib markii rasaas digniin ah la riday.

Ciidamada Badda ee IRGC ayaa sheegay in aan loo ogolaan doonin wax maraakiib ah inay maraan marin biyoodka ilaa faragelinta Maraykanka ee aagga ay ka dhammaato.

Waxay sidoo kale ka digtay in weerar kasta ama xadgudub cusub la kulmi doono jawaab xooggan, oo ay ku jiraan duqeymo lagu qaado waxa ay ugu yeedhay saldhigyo cusub oo cadow ah oo ku yaal gobolka.

Si kasta ha ahaatee Iraan waxay u muuqataa in ay Maraykanka kaga Istiraatijiyad sarayso sida uu sheegayo Harlan Ullman, oo ah guddoomiyaha shirkadda la-talinta istaraatiijiyadda ee The Killowen Group, wuxuu intaa ku daray in awoodda Tehran ay ku haysato marin biyoodka Hormuz ay Washington gelisay xaalad istiraatiiji ah oo adag.

“Bilowgii, ma cadda ujeeddooyinka iyo yoolalka Maraykanka ee arrintan,” ayuu sarkaalkii hore ee ciidamada badda Maraykanka u sheegay warbaahinta. “Dadku waxay isweydiinayaan istaraatiijiyadda – maxay ahayd waxa Maraykanku rajeynayay inuu gaadho?”

Ullman wuxuu sheegay in Maraykanku uu wajahayo “dhibaato weyn” marka uu sare u qaadayo militariga una beddelayo faa’iido istiraatiiji ah. “Iraan waxay adeegsanaysaa awood militari, gacanka waxay ku leedahay awood sare oo aad u weyn. Laakiin ma Maraykanku cadaadis ku filan ma saari karaa Iiraan si uu u sameeyo waxa uu rabo oo uu u beddelo aragtida Iiraan? Uma maleynayo inay taasi dhici doonto,” ayuu yidhi.

Iiraan waxay u muuqataa inay si istaraatiiji ah ugu jirto boos aad u sarreeya”,  waxa kaliya ee ay tahay inay sameyso waa inay tidhaahdo, ‘Waxaan xidhi doonnaa Gacanka. Waxaan weerari doonnaa deriska gobolka Khaliijka, taas oo keenaysa cadaadis weyn,” ayuu yidhi. “Waxa kaliya ee Maraykanku sameyn karo waa inuu sii wado inuu bartilmaameedyadiisa weerarada cirka, taas oo aniga ii muuqata in aanay keenin natiijo wanaagsan labada dhinacba.”

Ullman wuxuu ka digay in colaaddu ay halis ugu jirto inay isu beddesho dagaal goboleed oo ballaadhan, taas oo ah natiijo uu sheegay in dhaqaalaha adduunku aanu diyaar u ahayn inuu nuugo. “Boqolkiiba labaatan tamarta adduunku u baahan yahay waxay ka timaaddaa [Strait of Hormuz]. Haddii taas la joojiyo toddobaad, maalin, bil, sannad, taasi waxay yeelan doontaa saameyn ba’an.”