Spain vs France: France ma Dheeraysan doonaa Guulaha uu ka Gaadhay Spain

0
7

Spain iyo France ayaa mar kale isku wajihi doona semi-final-ka Koobka Adduunka 2026, iyadoo labada xul ay leeyihiin taariikh dheer oo kulamo waaweyn ah. Mar kasta oo ay kulmaan waxaa la arkaa ciyaaro adag oo ay ku loollamayaan laba ka mid ah xulalka ugu xooggan Yurub.

Kulankii ugu xusuusta badnaa ayaa dhacay final-kii UEFA Euro 1984, markaas oo France ay 2-0 ku garaacday Spain. Guushaas ayaa France u ahayd koobkii ugu horreeyay ee Yurub, waxaana xulka hoggaaminayay halyeeygii Michel Platini.

Labada xul ayaa sidoo kale ku kulmay wareegga siddeed dhammaadka FIFA World Cup 2006, halkaas oo France ay 3-1 ku garaacday Spain. Ciyaartaas ayaa ahayd mid uu si weyn uga dhex muuqday Zinedine Zidane, isagoo hoggaamiyay France oo gaartay final-ka tartanka.

Spain ayaa aargoosi qaadatay markii ay 2-0 kaga badisay France wareegga siddeed dhammaadka UEFA Euro 2012. Xabi Alonso ayaa dhaliyay labada gool, taasoo Spain u sahashay inay sii waddo safarkeedii ay ku difaacanaysay horyaalka Yurub.

Ugu dambayn su’aashu waxay tahay ma France,ayaa guusha  uu hore ugala hoyday Spain sii dheeraysan doona mise Spain ayaa markan aarsan doonta. Waa afar dhammaadka koobka adduunka iyo ciyaar la wada sugayo oo aad loogu xiise qabo.