Tababaraha xulka Argentina, Lionel Scaloni, ayaa sheegay in Spain iyo France ay yihiin labada xul ee ugu cadcad ku guuleysiga Koobka Adduunka 2026.
Wuxuu tilmaamay in Spain iyo France ay yihiin labada xul ee ugu heerka sarreeya tartankan, isagoo xusay inay muujiyeen qaab ciyaareed cajiib ah tan iyo bilowgii Koobka Adduunka.
“Maan maqal dad badan oo leh kulanka Spain iyo France waa final hore, balse dhab ahaantii sidaas ayuu yahay,” ayuu yidhi Scaloni.
“Waa laba xul oo aad u xooggan, kana mid ah kuwa ugu cadcad koobkan. Nasiib darro, midkood ayaa tartanka ka hadhaya. Wax walba si heer sare ah ayay u sameynayaan, waana kooxo cabsi geliya cid kasta oo la kulanta,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.




















