“Khayraadka Dabiiciga ah ee Somaliland waa fursad dhaqaale oo ballaadhan”
“Somaliland oo noqotay bartilmamedka cusub ee maalgashiga macdanta”
London (Dawan) Warbixin ay daabacday Crux Investor oo ah madal warbaahineed oo caalami ah kuna takhasustay falanqaynta maalgashiga macdanta (mining investments), ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka mid tahay dalalka Geeska Afrika ee leh khayraadka dabiiciga ah iyo macdanaha qaaliga, isla markaana la rumaysan yahay inuu hodan ku yahay macdano kala duwan oo dhif iyo naadir ku ah adduunka. Warbixintu waxay xustay inkasta oo warshadaha macdanta Somaliland aanay weli si buuxda u horumarin, haddana sannadihii u dambeeyay uu si weyn u kordhay xiisaha ay maalgashadayaasha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahi u muujinayaan ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
Warbixinta oo uu soo xigtay Wargeyska Dawan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay mudnaan gaar ah siisay horumarinta qaybaha macdanta, iyadoo dejisay siyaasado, sharciyo iyo nidaamyo lagu maamulayo bixinta ruqsadaha sahaminta, baadhitaanka iyo soo saarista macdanta. Waxa kale oo ay warbixintu tilmaantay in Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland ay ka shaqaynayso dhiirrigelinta maalgashiga, Ilaalinta badqabka deegaanka iyo hubinta in khayraadka dabiiciga ah looga faa’iidaysto si hufan, waarta isla markaana waxtar u leh dalka.
Sida lagu sheegay warbixinta, daraasadaha iyo xogaha ay baahisay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay muujinayaan jiritaanka macdano kala duwan oo ay ka mid yihiin dahab, naxaas, bir, gypsum, yuraaniyam, marble, quartz, feldspar iyo dhagxaan qaali ah sida sapphire, emerald iyo ruby. Warbixintu waxay intaas ku dartay in ay jiraan deegaanno badan oo leh rajo sare oo lagu sii sahamin karo macdano kale oo qiimo leh.
Crux Investor waxay sidoo kale xustay in sannadihii ugu dambeeyay ay kordheen shirkadaha caalamiga ah ee muujinaya xiisaha iyo danaynta sahaminta macdanta Somaliland, taas oo sida warbixintu tilmaamayso, ka tarjumaysa kalsoonida sii kordhaysa ee lagu qabo awoodda khayraadka dabiiciga ah ee dalka Somaliland. Sida lagu sheegay warbixintan xukuumadda Somaliland ayaa u aragta qaybta macdanta inay noqon karto tiir muhiim ah oo lagu kobcin karo dhaqaalaha dalka iyo shaqo-abuurka, isla markaana lagu kordhin karo dakhliga qaranka.
Gabagabadii, warbixintu waxay sheegtay in Somaliland ay sii waddo dadaallada lagu horumarinayo ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah, iyadoo xoogga saaraysa horumarinta sharciyada iyo nidaamyada maalgashiga, soo jiidashada maalgashiga shisheeye, dhismaha awoodaha farsamo ee lagama maarmaanka u ah kobcinta warshadaha macdanta iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha. Warbixinta ayaa lagu soo gunaanadday in tallaabooyinkaasi ay saldhig u yihiin dedaaladda xukuumadda JSL ee horumarinta warshadaha macdanta iyo xaqiijinta in khayraadka dabiiciga ahi mustaqbalka faa’iido waarta u noqdo bulshada Somaliland.




















