Heshiiska Banka Qool-caday: Tallaabo Muhiima oo lagu Horumarinayo Reer Miyiga iyo Wax-soo-saarka Calafka

0
13

Hargeysa (Dawan) Heshiiska is afgarad ee ay kala saxeexdeen Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga iyo Bulshada Deegaanka Qoolcaday waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dawladda iyo bulshada deegaanka. Horumarinta daaqa iyo tayada seeraha ayaa door weyn ka qaata nolosha dadka reer miyiga ah, maadaama xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha iyo nolosha bulshooyin badan. Sidaa darteed, dadaallada lagu ilaalinayo laguna horumarinayo dhul-daaqsimeedka waxay gacan ka geysanayaan kordhinta wax-soo-saarka calafka xoolaha iyo tayada xoolaha.

Heshiiskani wuxuu muujinayaa muhiimadda ay leedahay in bulshada deegaanka lagu daro qorshayaasha horumarinta, maadaama dadka deegaanka ay yihiin kuwa ugu dhow ee fahamsan xaaladda dhulkooda, baahiyahooda iyo hababka ugu habboon ee loo ilaalin karo khayraadka dabiiciga ah. Sidaa darteed is-afgaradka noocan ahi wuxuu horseed u noqonayaa jawi iskaashi oo u dhexeeya dowladda iyo bulshada deegaanka, taas oo muhiim u ah fulinta mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah. Marka la helo wada-shaqayn iyo kalsooni, waxaa fududaata in mashaariicda horumarineed ay si hufan u hirgalaan, isla markaana ay gaadhaan ujeeddooyinkii loo qorsheeyey.

Waxaa mudan in la bogaadiyo dadaalka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee ku wajahan xoojinta iskaashiga bulshada iyo ilaalinta kheyraadka daaqa. Maamul wanaagsan oo lagu sameeyo seeraha iyo dhulka daaqsinka ah wuxuu muhiim u yahay in la helo xoolo caafimaad qaba iyo wax-soo-saar joogto ah.

Si kastaba ha ahaatee, hirgelinta heshiiskan iyo la socodka joogtada ah ee qorshayaasha la isla qaatay ayaa saldhig u ah guusha iyo horumarka mashruucan. Waxaa muhiim ah in la sii xoojiyo wacyigelinta bulshada, ilaalinta deegaanka iyo hirgelinta habab waara oo lagu maareeyo dhulka daaqsinka ah.

Sidoo kale, Iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo bulshada Qoolcaday waa tusaale wanaagsan oo muujinaya in horumar waara lagu gaadhi karo marka dowladda iyo bulshada deegaanka ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ilaalinta kheyraadka dalka. Iyada oo hirgelinta mashruuca Banka Qool-caday la filayo inuu door weyn ka qaadato kor u qaadista wax-soo-saarka, horumarinta deegaanka iyo ka faa’iidaysiga khayraadka si ay uga faa’iidaystaan bulshada iyo xoolaha ku nool deegaanka. Taasi waxay xoojin kartaa nolosha reer miyiga iyo dadaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha ku tiirsan xoolaha iyo beeraha.