Haddii aad uur leedahay ama aad qorshaynayso in aad uur yeelato, tijaabada HIV ayaa loo baahan yahay. CaabuqaDilaDifaaca jirka bili aadanka ee (HIV) waa caabuq ku fida isgaaridda dheecaanada jirka ama irbadaha oo lala wadaago qof kale oo qaba HIV.
Dheecanada jirku waa dhiigga, kaadida, saxarada, matagga, shahwada, iyo dareerayaasha kazoo baxa xubinta taranka dumarka.HIV waxaa uu sababaa Xanuunka laga qaado Difaac la`aantaJirka Bini’aadamka (AIDS). AIDS-ku
waa cudur daciifiya hannaanka difaaca ee jirka kuna adkaynaya jirkaaga in uu la dagaalamo caabuqa.
Majiro tallaal loogu tala galay in looga hortago HIV mana jirto daawo uu leeyahay AIDS-ka. Waxaa jira dawooyin cusub oo la heli karo kuwaas oo hoos u dhigi kara fursadda qaadista HIV ee loogu talagalay dadka halista ugu jira inuu ku dhaco cudurka HIV ama laga yaabo inay qabaanba.
Baadhitaanka HIV Xilliga Uurka Baaritaanka HIV waxaa lagula talinayaa dhammaan dumarka uurka leh bilahooda hore ee uurka. Baadhitaan dhiig ayaa inta badan la sameeyaa natiijooyinka baadhitaankana waxa kula wadaagi doona dhakhtarkaaga ama bixiyaha daryeelka caafimaadka.
* Natiijada baaritaanka ee taban waxa ay macnaheedu tahay inaadan qabin HIV.
* Natiijada baaritaanka ee togan macnaheedu waxa ay tahay inaad qabtid HIV iyo inaad u baahan tahay daryeel dabagal ah oo dhakhtarka uu kugu sameeyo.
Tijaabooyinka HIV kuuma sheegayaan in aad qabto AIDS. Tijaabooyinka HIV-ga waa lagu celcelin karaa inta lagu guda jiro uurka
Daaweynta HIV-ga ee laguugu tala galay
Hooyooyin badan oo HIV qaba ayaa yeelan kara uur si amaan ah marka laga daaweeyo caabuqa Haddii aad qabto HIV, waxaa jira daawooyin difaacaya caafimaad kaaga hoosna u dhigaya fursada caabuqu ku gaari karo canuggaaga. Haddii aadan horey daaweyn ugu jirin uurka ka hor, daawooyinka waxaa la bilaabi karaa saddexda bilood ee ugu horreysa kaddib. Daaweyntu waxa ay ku xirnaan doontaa:
* Tirada caabuqa kujira jirkaaga
* Sida ugu wanaagsan ee hannaankaaga difaacu u awoodo in uu la dagaalamo caabuqa
* Dhibaatooyinka kale ee caafimaad ee aad yeelan karto Ka hortagga caabuqa ee canuggaaga Xilliga dhalmada Waxaa gali kartaa dhalmo qalniin ah halkii aad ilma mareenka ka dhali lahayd. Dhalmada qalniinka ah waxay hoos u dhigi kartaa fursadda caabuqa HIV-ga ee canugga. Qalniinka waxaa la qorshayn karaa asbuuc ama kabadan kahor waqtigaaga dhalmada. Kala hadal dhaqtarkaaga dhalmadaada.
Kaddib markii canuggaagu uu dhasho Haddii aad HIV qabto, waxaa laga yaabaa in dhaqtarkaagu ku taliyo in canuggaagu:
* Uu bilaabo daawo maalinta uu dhasho si looga hor istaago asga ama ayada fursdda caabuqa HIV. Tani waxay socon kartaa asbuucyo dhowr ah.
* In uu daaweyn helo haddii unugyadiisa ama unugyadeeda dhiigga cas ay hooseeyaan, taasoo loo yaqaan dhiig la`aan (anemia). Daaweynta dhiig la`aanta waxa ay kordhinaysaa unugyada dhiigga ee cas kuwaasoo oksijiin u qaada dhammaan qaybaha jirka.




















