Somaliland oo Garab Istaag Buuxa u Muujisay Dalka Imaaraad-ka Kadib Weerar Lagu Qaaday Laba Markab

0
14

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay weerar lagu bartilmaameedsaday laba markab oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta, waxaanay u muujisay garab istaag buuxa iyo midnimo ay la leedahay dowladda iyo shacabka Imaaraadka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa sheegtay inay si cad uga soo horjeeddo tallaabo kasta oo wax u dhimaysa amniga iyo badqabka isu-socodka maraakiibta caalamiga ah, iyo xoriyadda ganacsiga.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay xustay muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo ixtiraamo sharciga caalamiga ah, iyadoo sheegtay in ilaalinta xeerarka caalamiga ahi ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka, amniga marin-biyoodka iyo joogtaynta ganacsiga caalamiga ah.