Xukuumadda Somaliland oo Dejisay Hab-raaca Shilalka Korontadda

0
16

 

Hargeysa (Dawan) Komishanka Nidaaminta Korontada Qaranka JSL ayaa ansixiyey Habraaca baadhitaanka shilalka korontada, kaasi oo sida ay sheegeen lagu hagi doono shirkadaha bixiya adeega korantada ka dib fadhi ay shakat guddigu ku yeesheen xafiiska guddiga ee magaaladda Hargaysa. Habraaca baadhitaanka shilalka korontada oo falanqayntiisu muddo ay soo soo socotay waxa loo raacayaa sida guddigu ay sheegeen habkii loo baadhi lahaa shilalka korantada ee ka dhaca guud aan geyiga JSL, habraacan ayaa noqonaya kii koobaad ee ay ansixiyaan dhamaan komishanadii dalka soo maray.

“Waxa loo raacayaa habkii loo baadhi lahaa shilalka korantada ee ka dhaca guud aan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waa habraacii koobaad ee kimishanadii dalka soo maray ay ansixiyaan” ayuu yidhi gudomiye ku xigeenka komishanka nidaaminta tamarta qaranka JSL, Geedu Saleebaan Cali. Shilalka ka dhasha korantada ayaa mararka qaar keena khasaare iskugu jira Naf iyo maal waxana habraacan ku shaqayn doona guddiga cabashooyinka oo qayb ka ah komishanka nidaaminta korantada qaranka.

Ansixinta Habraaca Baadhitaanka Shilalka Korontada ee Komishanka Nidaaminta Korontada Qaranka JSL waa tallaabo muhiim ah oo mudan in la bogaadiyo, maadaama ay abuurayso hannaan rasmi ah oo lagu baadho laguna qiimeeyo shilalka korontada ee ka dhaca guud ahaan dalka. Shilalka la xidhiidha korontadu waxay sababi karaan khasaare naf iyo maalba leh, sidaa awgeed in la helo habraac cad oo ay raacaan hay’adaha ay khusayso iyo shirkadaha bixiya adeegga korontadu waxay xoojin kartaa isla-xisaabtanka, badbaadada bulshada iyo tayada adeegga.

Waxa kale oo muhiim ah in la helo habraacan oo si hufan oo caddaalad ah u dabaqaya shilalka korontada, gaar ahaan marka ay dhacaan shilal u baahan in la ogaado sababta keentay iyo cidda masuuliyadda leh. In habraacani noqdo kii ugu horreeyay ee ay ansixiyaan Komishannadii kala dambeeyay waxay muujinaysaa horumar dhinaca nidaaminta iyo dejinta siyaasadaha korontada ah.