The Africa Report: “Diyaar-garowga Booqashadda Madaxweynaha JSL ee Maraykanka oo Bilawday”

0
13

“Somaliland Waxay Washington Hor-dhigaysaa Doorkeeda Istaraatiijiga ah ee Badda Cas”

“Washington Waxay Noqotay Meesha Madaxweume Cirro Ka Bilaabayo Diblomaasiyada Cusub ee Somaliland”

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Warbaahinta The Africa Report, ayaa shaacisay in Jamhuuriyadda Somaliland ay si rasmi ah u bilowday diyaar-garowga booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ku tago Maraykanka, kadib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanku siisay fiisaha Toddobaadkan. Sida lagu sheegay warbixinta Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa inuu Washington booqdo bisha September, iyadoo socdaalkiisa loo arko fursad muhiim ah oo Somaliland ku xoojin karto xidhiidhka ay la leedahay Maraykanka iyo taageerada ay ka raadinayso Washington.

Sida ay sheegtay warbaahinta The Africa Report oo Wargeyskas DAWAN soo xigtay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa inta uu ku sugan yahay waddanka Maraykanka diiradda saari doona arrimo la xidhiidha iskaashiga dhinaca amniga gobolka Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, gaar ahaan amniga, ilaalinta maraakiibta ganacsiga iyo sugidda xasiloonida marinnada muhiimka ah ee isku xidha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay in Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Cirro inta uu ku sugan yahay Maraykanka, la filayo inuu ku soo bandhigo muhiimadda iyo doorka istaraatiijiga ah ee Somaliland ku leedahay gobolka iyo sugidda amniga marinnada muhiimka ah ee ganacsiga caalamiga ah oo ay khatar ku hayaan kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan. Arrintan ayay Warbixintu ku tilmaanay inay qayb weyn ka qaadanayso dadaallada Somaliland ku doonayso inay ku xoojiso iskaashiga amni, dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Washington, gaar ahaan sidii Maraykanku u aqoonsan lahaa madaxbannaanideeda.

The Africa Report waxay intaa ku dartay in Somaliland ay Mareykanka siinayo caawimo ku aaddan sugidda amniga marinnada maraakiibta ganacsiga caalamiga ah oo ay khatarta ku hayaan xulafada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan, isagoo rajeynaya inuu ugu dambeyntii helo aqoonsiga Mareykanka ee madaxbannaanida Somaliland. Waxaana lagu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) wuxuu Mareykanka siinayaa caawimo ku aaddan sugidda marinnada maraakiibta Badda Cas ee ay khatarta ku hayaan xulafada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan, isagoo rajeynaya inuu ugu dambeyntii helo aqoonsiga Mareykanka ee madaxbannaanida Somaliland,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Andres Loretdemola, ayaa martiqaad rasmi ah ka helay toddobaadkii hore Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland si uu u booqdo si loo dhiso Rugta Ganacsiga ee Mareykanka ee Somaliland.

Dhanka kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in ay socdaan qorshayaal ballaadhan oo lagu xoojinayo xidhiidhka dhaqaale ee Somaliland iyo Maraykanka, iyadoo Mr. Andres Loretdemola oo ah aasaasaha aasaasaha hay’adda la-talinta khatarta juqraafiyeed ee Washington ee Tatari Trends uu toddobaadkii hore martiqaad rasmi ah ka helay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland si uu u booqdo Hargeysa, isla markaana loo dhiso Rugta Ganacsiga Mareykanka ee gudasha Somaliland.

Sida ay tilmaanay warbixintu, martiqaadkan ayaa la xidhiidha qorshe lagu dhisayo Rug Ganacsi oo Maraykan ah oo Somaliland ka hawlgasha, taas oo la filayo inay door ballaadhan ka qaadato kobcinta xidhiidhka ganacsi, maalgashi iyo iskaashi ballaadhan oo dhaqaale ee ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka.

Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ku soo beegmaysa xilli Xukuumadda Somaliland ay waddo dadaallo lagu xoojinayo xidhiidhkeeda Washington, iyadoo si weyn diirrada u saaraysa inay isku darto iskaashiga amniga gobolka, fursadaha dhaqaale, maalgashi iyo ajandaha diblomaasiyadeed ee ku saabsan aqoonsiga Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.