Dekedda Berbera oo Xoojinaysa Isku-xidhka Ganacsigga iyo Doorkeedda Geeska Afrika

0
30

Qore Khadar M .Xaashi

Berbera (Dawan) Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland, Mudane Cali Diiriye Axmed, ayaa sheegay in Dekedda Berbera ay tahay deked caalami ah oo casri ah, awoodna u leh inay si weyn uga qaybqaadato isku-xidhka ganacsiga Somaliland, Itoobiya iyo Geeska Afrika. Cali Diiriye ayaa hadalkan sheegay kaddib markii uu Dekedda Berbera ku soo dhaweeyey wafti ballaadhan oo ka socday Itoobiya, oo ay ka mid ahaayeen wasiirro, maayirrada Jigjiga iyo Wajaale iyo agaasimayaal. Waftigu waxa uu booqday qaybaha muhiimka ah ee dekedda, isaga oo warbixin ka helay adeegyada, horumarka iyo awoodda dekedda.

Maareeyuhu waxa uu tilmaamay in Dekedda Berbera ay ka mid tahay dekedaha ugu casrisan gobolka, isla markaana ay leedahay awood adeeg oo ka badan baahida hadda jirta. Waxaanu yidhi.“Dekedda Berbera waa deked weyn oo caalamiya, waana mid ka mid ah dekeddaha ugu casrisan gobolkan, waxay awood u leedahay inay u adeegto isticmaalkoodu inta uu yahay saddex laabkeed.”

Waxa uu sidoo kale sheegay in Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan Dowlad Deegaanka Soomaalida, uu ka dhexeeyo xidhiidh ganacsi oo muddo dheer soo jiray, isaga oo Itoobiya ku dhiirrigeliyey inay si weyn uga faa’iidaysato adeegyada Dekedda Berbera. Waxaanu yidhi “Itoobiya guud ahaan, gaar ahaan DDS, waxaanu lahayn xidhiidh muddo dheer naga dhexeeyay. Ilaa maanta xidhiidh ganacsi oo dabiici ah oo aan mar kala go’in, oo soo dejin iyo dhoofinba leh, ayaan wadaagnaa.”

Maareeye Cali Diiriye ayaa waftiga Itoobiya ku soo dhaweeyey Dekedda Berbera, isaga oo ku dhiirrigeliyey inay ka faa’iidaystaan adeegyada dekedda. Waxaanu yidhi “Soo dhawaada Dekedda Berbera, oo ah deked caalami ah oo u adeegta dalalka Geeska Afrika.” Dhinaca kale, waftiga Itoobiya ayaa uga mahadceliyey maamulka Dekedda Berbera soo dhaweynta, iyaga oo sheegay inay rajaynayaan in booqashadu horseeddo in qaybo badan oo Itoobiya ah ay ka faa’iidaystaan adeegyada dekedda. “Waanu idinka mahadcelinaynaa soo dhaweynta weyn ee aad noo samayseen, waanu ku faraxsanahay inaanu soo booqanno magaalo xudun u ah isku-xidhka ganacsiga adduunka.” ayuu yidhi.

Gaba’gabaddii, booqashadan ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xidhiidhka ganacsi ee Somaliland iyo Itoobiya, iyadoo Dekedda Berbera ay sii xoojinayso doorkeeda isku-xidhka ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee gobolka.