“Siyaasadda Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisuba Waa Kor-u-Qaadista Kitaabka Ilaahay”

0
38

“Wasiirka Warfaafinta oo Bogaadiyey Doorka Warbaahinta Qaranka ee Faafinta Diinta”

“Tafsiirka Qur’aanka ee ka Baxa Warbaahinta Qaranka oo Laga Dhigay 20 Daqiiqo”

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay in siyaasadda Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siinayso kor-u-qaadista iyo faafinta Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah. Wasiir Barkhad Jaamac Batuun ayaa si ballaadhan u bogaadiyay in hay’adaha dawladda, gaar ahaan warbaahinta qaranku, ay u heelan yihiin fidinta iyo kor-u-qaadista Qur’aanka Kariimka ah, isaga oo xusay muhiimadda ay arrintani u leedahay nolosha bulshada Somaliland.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu shaacinayey qorshe cusub oo lagu horumarinayo barnaamijka Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah oo muddo 35 sannadood ah ka baxayay Warbaahinta Qaranka, isla markaana uu daadihinayay Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir. Mudane Barkhad Jaamac Batuun ayaa tilmaamay in ay sharaf weyn tahay in hay’adaha dawladda oo ay hormood u tahay Warbaahinta Qaranku, ay kaalin muuqata ka qaataan fidinta iyo kor-u-qaadista Qur’aanka Kariimka ah.

“Xukuumad ahaan siyaasadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo ta Xukuumaddu ba waa kor u qaadidda kitaabka Ilaahay. Waa sharaf in Idaacaddii iyo dawladdii ba ay maanta u heelan yihiin qur’aanka Ilaahay kor u qaadistiisa”, ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Batuun.

Mudane Barkhad Jaamac Batuun waxa uu intaasi raaciyay “Maanta waxaynu isugu nimid arrin wayn oo aynu ILLAAHAY (SW) ku raali-gelinayno. Hadda waa bar-bilawgii labaad ee barnaamijyada ugu culus ee cilmiga looga faa’iidaysto ee Radio Hargeysa iyo Idaacadda Quraanka iyo Telefiishanka qaranka ee Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir daahinayay muddda shan iyo soddonka sannadood ah.”

Wasiirka ayaa sidoo kale shaaciyey in Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah ee ka baxa Warbaahinta Qaranka lagu samaynayo isbeddel, iyadoo muddada barnaamijka laga kordhinayo 15 daqiiqo oo uu hore u ahaan jiray, lagana dhigayo 20 daqiiqo. Waxa uu sheegay in barnaamijka cusub loo diyaarin doono hab casri ah oo ku salaysan duubis dijitaal ah. Waxaanu yidhi “Waxaa hadda mar inoo wada bilaabmaya duubista xufaadii quraanka oo Madaxweynaha Somaliland Daah-furay iyo maanta oo aanu halkan ku ibo-furayno barnaamij taariikhi ah oo shan iyo soddon sannadood Radio Hargeysa ka baxayay kaas oo ah Tafsiirka Quraanka Kariimka ah. Markii hore wakhtigu wuxuu ahaa 15 daqiiqo balse maanta waxaynu ka dhigaynaa 20 daqiiqo maadaama oo uu shan iyo soddon sanno ku soo socday 15 daqiiqo, Barnaamijkuna yahay Tafsiir Quraan ah oo laga faa’iidaysano farriimo culus iyo cilmi diini ah, iyada oo habka Sheekhu u duubayaana ay tahay mid ka duwan qaabkii hore, kaas oo ah mid dhiijital ah.”

Wasiir Barkhad ayaa sheegay in Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir uu hadda Warbaahinta Qaranka ka sii daayo boqollaal duruus ah bil kasta, kuwaas oo qayb muhiim ah ka ah barnaamijyada diineed ee Warbaahinta Qaranka. Waxa uu intaa ku daray in labada idaacadood ee qaranku si joogto ah oo isku mid ah u baahin doonaan Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah, isaga oo dhegaystayaasha ku xidhan barnaamijyada diineed ugu bushaareeyey in ay heli doonaan duruus waqti ahaan iyo tayo ahaanba la horumariyey. waxaanu yidhi “Sheekhu hadda wuxuu ka sii daayaa idaacadaha qaranka 242 dersi bishii, runtii waa aqoon ballaadhan waana boqolkiiba 50 barnaamijyada baxa ee warbaahinta qaranka. Markaa dhegaystayaasha barnaamijyada diiniga ah ku xidhan waxaanu ugu bushaaraynaynaa in Tafsiirkii noqon doono labaatan daqiiqo oo labada idaacadood ba si joogto ah iyo si siman oo isku mid ah uga bixi doono.”

Wasiir Barkhad Jaamac Batuun ayaa sidoo kale mahadnaq u jeediyey madaxda iyo shaqaalaha Warbaahinta Qaranka ee ilaaliyey kaydka taariikhiga ah ee barnaamijyada iyo duruusta diineed, isaga oo sheegay in kaydkaasi yahay hanti taariikhi ah oo mudan in la ilaaliyo. Waxa uu sheegay in qorshuhu yahay in kaydkaasi loo sameeyo madxaf gaar ah oo lagu kaydiyo laguna ilaaliyo dhaxalka taariikhiga ah ee Warbaahinta Qaranka, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyey farsamo-yaqaan Jarmal oo door muhiim ah ka qaatay ilaalinta kaydka iyo hantida diineed.

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Madaxda Idaacada waxaan uga mahad naqayaa in ay ilaaliyeen kaydka halkan yaala, waana kayd taariikhi ah, waxaanuna u samayn doonaa madxaf gaar ah, waxaan si gaar ah ugu mahad naqayaa farsamo yaqaan Jarmal oo xil gaar ah iska saaray ilaalinta kaydkan iyo hantidaa diiniga ah. Waxaan sidoo kale u mahad naqayaa una ducaynayaa Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir.”

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in Wasaaraddu sii wadi doonto doorkeeda ku aaddan gudbinta farriimaha diineed, wacyigelinta bulshada iyo ilaalinta qiyamka suubban ee ku dhisan Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnada Nebigeenna Muxamed (NNKH). Munaasabadda ayaa waxa goob joog ka ahaa Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, oo muddo dheer soo jeedinayey Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah ee ka bixi jiray Warbaahinta Qaranka.

Ugu dambayntii, Wasiir Barkhad ayaa mahadnaq iyo duco u jeediyey Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, isaga oo ku ammaanay doorkii dheeraa ee uu ka soo qaatay faafinta iyo baridda tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah iyo cilmiga diinta, gaar ahaan muddadii 35-ka sannadood ahayd ee uu Tafsiirka ka soo jeedinayey Warbaahinta Qaranka. Guntii iyo gabagabadii Wasiir Barkhad waxa kale oo uu si cad u muujisay muhiimadda ay Xukuumadda Somaliland siinayso in warbaahinta qaranka loogu adeego kobcinta fahamka bulshada ee Qur’aanka Kariimka ah, laguna gaadhsiiyo bulshada duruusta iyo farriimaha diineed ee waxtarka u leh noloshooda.