Berbera (Dawan) Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland, Cali Diiriye Axmed, ayaa Dekedda Berbera ku qaabilay wafti ka socday RIDNE Food Consortium ee Ukraine iyo Tony Blair Institute, kuwaas oo u yimid qiimaynta fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga, saadka iyo gargaarka bani’aadamnimo.
Booqashada waftiga ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray fursadda Dekedda Berbera loogu beddeli karo xarun muhiim ah oo lagu soo dejiyo, lagu kaydiyo laguna qaybiyo raashinka gargaarka bani’aadamnimo, ka hor inta aan loo gudbin dalalka Geeska Afrika, Sudan iyo Yemen.
Sidoo kale, xubnaha Tony Blair Institute ayaa sameeyey xog-ururin iyo qiimayn ku saabsan fursadaha ay Somaliland uga bilaabi karaan iskaashi iyo hawlo horumarineed oo dhinacyo kala duwan leh.
Gaba-gabaddii, booqashadu waxay xoojinaysaa fursadda Dekedda Berbera loogu beddeli karo xarun goboleed oo lagu gaadhsiiyo gargaarka bani’aadamnimo, isla markaana door muhiim ah ka qaadata ganacsiga iyo saadka gobolka




















