Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland, Mudane Cali Jaamac Faarax (Buureed), ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay khayraad badeed oo baaxad leh, kaas oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee muhiimka u ah dalka. Wasiirku waxa uu tilmaamay in xeebaha dheer ee Somaliland laga helo noocyo kala duwan oo kalluun ah, kuwaas oo tiro ahaan lagu qiyaaso ilaa 360 nooc, isla markaana qayb weyn oo ka mid ah ay leeyihiin qiime ganacsi iyo suuqyo ka jira gudaha iyo dibaddaba.
Mudane Cali Jaamac Faarax (Buureed), Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland, waxa kale oo uu khayraadka kalluunka Somaliland ku tilmaamay fursad weyn oo lagu kobcin karo dhaqaalaha dalka, lagu abuuri karo shaqooyin badan, isla markaana kor loogu qaadi karo nolol-maalmeedka bulshada ku nool deegaannada xeebaha. Waxa uu xusay in haddii si habboon looga faa’iidaysto khayraadka badda, kalluumaysigu uu noqon karo mid ka mid ah qaybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha Somaliland, isaga oo sidoo kale fursado u abuuraya maalgashiga, wax-soo-saarka iyo dhoofinta kalluunka.
Sidoo kale oo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Cali Jaamac Faarax (Buureed) waxa kale oo uu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ku taalo meel Istaraataji ah, isla markaana hodan ku ah khayraadka Kalluunka. Waxaanu yidhi “Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland waa wasaarad halbawle u ah dalka isla markaana diirrada saaraysa in ay bulshada u jihayso xagga wax soo saarka khayraadka baddaha.
Waxaynu haysanaa bad dheer oo 850 KM ah iyo meel istaraatajii ah isla markaana qani ku ah xagga kalluunka. Xeebahaneena aadka u dheer waxaa soo mara Kalluunka ugu badan adduunka, waxaana waddankeena laga heli karaa 360 nooc oo Kalluun ah isla markaana gali kara ganacsiga.” ayuu Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Cali Jaamac Faarax (Buureed), isaga oo bulshada ugu baaqay gaar ahaan dhalinyarada, inay ka faa’iidaystaan fursadaha ka jira kalluumaysiga iyo khayraadka badda, waxaanu xusay in horumarinta waaxdani ay horseedi karto shaqo-abuur, maalgashi iyo koboc dhaqaale.
Mudane Cali Jaamac Faarax (Buureed) waxa uu tilmaamay in bulshada reer Somaliland ay aad ugu yarayd ka faa’iidaysiga khayraadka ballaadhan ee baddaha Somaliland hodanka ku yihiin, isaga oo sheegay in caqabadaha ugu waaweyn ay yihiin dhinaca aqoonta iyo qalab-yaraan. Wasiirku waxa uu sheegay in bulshada Somaliland ay hadda bilowday inay si wanaagsan u fahanto isticmaalka kalluunka, balse ay weli jirto baahi weyn oo loo qabo in bulshada lagu dhiirrigeliyo inay si toos ah uga qayb-qaadato kalluumaysiga iyo soo-saarista khayraadka badda.
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ka faa’iidaysiga Khayraadka Kalluunku wuu inagu yar yahay, hadday noqoto xagga aqoonta iyo xaga qalabka ba. Bulsho ahaan hadda ayaynu baranay cunidda Kalluunka, balse dhibaatooyinka jiraana waxa weeye dadkii ayaan galayn baddii oo aan ka shaqaysanayn khayraadka Kalluunka. Sidaa darteed waxaannu rabnaa in aynu barano la soo bixida Kalluunka.”
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland, Mudane Cali Jaamac Faarax (Buureed), ayaa sheegay in Wasaaraddu ay gacanta ku hayso, isla markaana ay dhamaystirtay kaadhadhka aqoonsiga kalluumaysatada Somaliland, kuwaas oo loo qaybiyey bulshada. Waxa uu xusay in ilaa hadda la qaybiyey ku dhawaad 900 oo kaadh, halka 600 oo doonyood loo sameeyey calaamadaha lagu aqoonsanayo in ay yihiin Kalluumaysato reer Somaliland ah. Sidoo kale Wasiirku waxa uu intaa ku daray in, maadaama ay adduunka ka socdaan dagaallo isla markaana keenista raashinku ay caqabado la kulmayso, ay muhiim tahay in la kordhiyo wax-soo-saarka gudaha.
Wasiirka oo arrintaasi ka hadlayay ayaa yidhi “Waxaannu hadda ka wasaarad ahaan gacanta ku haynaa oo dhamaystirnay Kaadhadhka Kalluumaysata oo aanu u soo qaybinay. waxaana aanu qaybinay ilaa 900 oo kaadh, sidoo kale ilaa 600 oo doonyood waxaanu u samaynay calaamadii lagu garanayay. Maadaama adduunka dagaallo ka socdaan, imaatinka raashinkuna uu cidhiidhi inagu yahay, cid aan wax soo saarina ma sii noolaan karto. Sidaa darteed waxaa muhiim ah in la kordhiyo wax-soo-saarka gudaha.”
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland, Mudane Cali Jaamac Faarax (Buureed), ayaa tilmaamay in kalluunka uu yahay mid ka mid ah khayraadka ugu fudud ee laga faa’iidaysan karo, isaga oo xusay qorshayaasha Wasaaradda ee lagu barayo dhalinyarada xirfadda kalluumaysiga. Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu qorshaynayso in dhalinyarada lagu dhiirrigeliyo laguna tababaro kalluumaysiga, si ay uga qayb-qaataan soo-saarista khayraadka badda, isla markaana ay uga faa’iidaystaan fursadaha dhaqaale iyo shaqo ee ka jira dhinaca kalluumaysiga.
Waxa uu sidoo kale sheegay in tan iyo intii Somaliland ay heshay fursada cusub ee dhinaca ictiraafka iyo xidhiidhka caalamiga ah, ay waddanka yimaadeen maalgashadayaal badan oo danaynaya fursadaha maalgashi ee Somaliland. “Kalluunka waa waxa ugu sahlan ee lala soo bixi karo. Waxaana ka mid ah qorshayaasha aanu wadno in dhalinyarada la baro kalluumaysiga. Intii ictiraaf-heliddu inoo bilaabatay, waxa inoo yimid dad badan oo maalgashadayaal ah, markaa waxa aynu rajaynaynaa in horumar ballaadhan la gaadho,” ayuu yidhi Wasiir Cali Jaamac Faarax (Buureed).
Wasiir Cali Jaamac Faarax ayaa sidoo kale ka hadlay dadaallada Wasaaradda ee ku aaddan horumarinta iyo kobcinta doorka kalluumaysigu ku leeyahay dhaqaalaha iyo nolosha bulshada, isaga oo faahfaahin ka bixiyey hawlaha muhiimka ah ee Wasaaraddu ku hawlan tahay. Wasiirku waxa uu sidan ka sheegay kulanka 8-aad ee barnaamijka “La-hadal Xisbigaaga oo shalay lagu qabtay xarunta dhexe ee Xisbiga WADDANI, kaas oo ah barnaamij toddobaadle ah oo loogu talagalay xoojinta xidhiidhka tooska ah ee u dhexeeya masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, madaxda Xisbiga WADDANI iyo taageerayaasha xisbiga.
Kulankan oo uu goob-joog ka ahaa guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasanm waxa uu madashan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Jaamac Faarax (Buureed), bulshadas kula wadaaga warbixin ku saabsan adeegyada ay Wasaaraddu u hayso bulshada iyo hawlaha ay ku waddo horumarinta kalluumaysiga iyo ka faa’iidaysiga khayraadka badda. Dhinaca kale, ka qayb-galayaashii kulanka ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo kala duwan oo la xidhiidha adeegyada ay Wasaaraddu u fidiso bulshada, gaar ahaan arrimaha khuseeya kalluumaysatada, khayraadka badda iyo horumarinta waaxda kalluumaysiga.
















