Golaha Wakiillada USA oo ka Dooday Sidii Somaliland ay u Heli Lahayd SWIFT-ka

0
5

Hargeysa (Dawan) Bangiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si weyn u soo dhaweeyay wada-hadalka ku saabsan sidii Somaliland u heli lahayd nidaamka maaliyadeed ee caalami ah, iyo fursad wanaagsan oo hay’adaha maaliyadda ay kaga mid noqdaan hannaanka maaliyadda ah, taas oo lagaga hadlay dood 15-kii Sebtembar 2026 fadhi ay yeesheen Guddiga Adeegyada Maaliyadeed ee Aqalka Wakiillada Maraykanka (U.S. House Committee on Financial Services).

Sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray baanka dhexe ee JSL, intii uu socday dhageysiga, Xildhibaan John W. Rose ayaa soo qaaday Hindise-sharciyeedka H.R. 7993, Somaliland Economic Access and Opportunity Act, isaga oo iftiimiyay caqabadaha dhinaca maaliyadda iyo xeerarka ee saameeya helitaanka Somaliland ee nidaamyada maaliyadeed ee Maraykanka iyo kuwa caalamiga ah. Sidoo kalena xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, dhaniisa sheegay in kooxda Arrimaha Caalamiga ah ee Wasaaradda Maaliyaddu ay arrintan warbixin ka siin doonto, isla markaana Wasaaraddu ay la xidhiidhi doonto shaqaalaha Xildhibaan Rose.

Warbixinta Bangiga Dhexe ayaa sidoo kale lagu sheegay in doodani ay tahay mid ka dhalatay wada-shaqaynta uu Bangiga Somaliland la leeyahay hay’adaha Maraykanka. Waxaana lagu shaaciyay in bishii January 2026 uu Guddomiyaha Bangiga Somaliland uu warqad rasmi ah u qoray Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka, qoraalkaas oo uu ka codsaday taageero iyo wax ka qabashada caqabadaha hortaagan nidaamyada lacag-bixinta caalamiga ah, bangiyada xidhiidhka la leh (correspondent banking), iyo isku-xidhka SWIFT, isaga oo sidoo kale faahfaahiyay dadaallada uu Bangigu ku bixinayo xoojinta hufnaanta maaliyadeed iyo ilaalinta AML/CFT.

Bangiga Somaliland waxa uu intaas ku daray qoraalkiisa inuu diyaar u yahay inuu Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka iyo hay’adaha kale ee khuseeya siiyo xog ujeeddo leh oo la xaqiijin karo oo ku saabsan nidaamka maaliyadeed ee Somaliland, iyo inuu si wax-ku-ool ah uga qaybqaato hawl kasta oo farsamo oo ka dhalata geeddi-socodkan. Sidoo kalena bayaankan Baanka Dhexe kasoo baxay waxa lagu yidhi. “Ujeeddadeennu waa mid cad: in la dhiso nidaam maaliyadeed oo ammaan ah, la isku hallayn karo, adkaysi leh, isla markaana caalamka ku xidhan, kaas oo u adeega qoysaska, ganacsiyada iyo jiilasha mustaqbalka ee Somaliland.”