Somaliland Institute of Banking oo Bogaaddiyay Kaalintii Professor Eid ka Qaatay Horumarintiisa

0
7

Hargeysa (Dawan) Mac-hadka Bangiyada iyo Maaliyadda ee Somaliland Institute of Banking and Finance (SLIBF) ayaa si weyn u bogaadisay Professor Eid Ali Ahmed, isaga oo ku ammaanay kaalintiisi qiimaha lahayd ee uu ka qaatay, dib-u-eegista, tayaynta iyo diyaarinta Qorshaha Istaraatiijiga ah ee Shanta Sano ee Machadka (2025–2029). Institute-ku wuxuu Professor Eid si qoto dheer ugu ammaanay dadaalkiisa, waqtiga, aqoonta iyo waayo-aragnimada uu geliyey hawshan muhiimka ah.

Machadku waxa uu si gaar ah u aqoonsaday ugana markhaati kacay kaalintiisi wax-ku-oolka ahayd ee Professor Eid oo si weyn uga qayb-qaadatay tayaynta Qorshahan Istaraatiijiga ah. Sidoo kale Machadku waxa uu muujiyay sida khibradda aqooneed iyo xirfadeed ee Professor Eid ay u dhistay hay’ad waxbarasho oo tayo leh, kuna qotonta cilmi-baadhis, isla markaana ka jawaabaysa baahiyaha qaran ee bangiyada iyo maaliyadda.

Arrintan ayaa salka ku haysay kadib markii Guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr Cali Cabdullaahi Daahir, ayaa Professor Eid u magacaabay La-taliyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland 27-kii Abriil 2023. Warqaddii magacaabista, Guddoomiye Cali wuxuu si gaar ah ugu xusay inuu magacaabistaas sameeyey kaddib markii uu arkay aqoonta durugsan ee Profeessor Eid u leeyahay habka ay u shaqeeyaan bangiyada iyo nidaamyada maaliyadeed ee caalamiga ah. Sidoo kalena uu arkay in Professor Eid uu ahaa khabiirkii sameeyay, isla markaana diyaariyey qorshihii istaraatiijiyadeed ee ugu horreeyey abid ee uu yeesho Baanka Dhexe ee Somaliland. Qorshahaas oo laf-dhabar u noqday xoojinta awoodda hay’adeed iyo horumarka ballaadhan ee uu ku tallaabsaday Baanka Dhexe ee Somaliland.

Sidaas awgeed, Gudoomiyihii hore ee Baanka Dhexe ee Jamhuuriayda Somaliland, Dr Cali Cabdullaahi Daahir, waxa uu Professor Eid u igmaday inuu si dhow ugala shaqeeyo sidii loo aasaasi lahaa Machadka Bangiyada iyo Maaliyadda Somaliland. Intaa kaddib, Professor Eid wuxuu bilaabay hawsha dib-u-eegista iyo dhammaystirka Qorshaha Istaraatiijiyadeed ee Shanta Sano ee soo socda, kaas oo daboolaya jihada loo socdo iyo horumarka uu mac-hadku tiigsanayo muddada 2025–2029. Qorshahan istaraatiijiyadeed ayaana bud dhig u noqday asaaska Machadka Bangiyada iyo Maaliyadda Somaliland.

Sida uu caddeeyay Dr. Fatah Al-Rahman Abd Allah Mohamed El-Safi, Agaasimaha Somaliland Institute of Banking & Finance (SLIBF), oo Professor Eid Ali Ahmed guddoonsiiyay shahaado sharaf iyo mahadnaq ah 13/08/2026. Taas oo lagu iftiimiay doorkii muhiimka ahaa ee Professor Eid Ali Ahmed ka qaatay dib-u-eegista, hagaajinta iyo tayaynta Qorshaha Istaraatiijiga ah ee Institute-ka. Professor Eid wuxuu hawshan ku biiriyey aqoon, khibrad iyo talooyin wax-ku-ool ah.

Intii uu ku guda jiray hawsha loo igmaday, Professor Eid wuxuu si gaar ah uga qaybqaatay dib-u-eegista iyo hagaajinta qaybaha muhiimka ah ee Qorshaha. Isaga oo qiimayn ballaadhan ku sameeyay himilada, hiigsiga iyo ujeedooyinka guud ee Machadka, kaas oo si cad u tilmaamaya jihada, iyo doorka mustaqbalka ee Machadka. Mid ka mid ah qaybaha muhiimka ah ee uu Professor Eid sida weyn uga qaybqaatay ayaa ahayd hagaajinta ujeeddooyinka hawlgalka, hawlaha mudnaanta leh iyo tilmaamayaasha waxqabadka. Talooyinkiisu waxay gacan ka geysteen in qorshaha lagu daro hannaan si cad loogu cabbiri karo heerka laga gaadhayo ujeeddooyinka istaraatiijiyeed iyo natiijooyinka laga filayo.

Aqoonta iyo Khibradda Professor Eid ee Bangiyada iyo Maaliyadda

Professor Eid Ali Ahmed wuxuu ahaa khabiir ku takhasusay Banking, Finance, Development Management iyo Accounting, isaga oo waxbarasho sare ku qaatay UK iyo Maraykanka. Xirfaddiisa bangiyada waxa uu ka soo shaqeeyay Bangiyadda Grindley’s Bank, Somali Commercial Bank, kadibna khibrad ka soo qaatay UK Barclays International Bank. Waxa uu markii dambe xilal sare ka soo qabtay City Bank ee Sacuudi Carabiya, gaar ahaan maamulka Waaxda Credit Department ee City Bank ee Sacuudi Carabiya.

Dr. Fatah Al-Rahman oo Sharaxay Kaalintii Professir Eid Ali Ahmed ee Nashqadaynta Qorshayaasha Hay’adaha Maaliyadeed

Agaasimaha Machadka Somaliland Institute of Banking & Finance (SLIBF), Dr. Fatah Al-Rahman Abd Allah Mohamed El-Safi, oo aan xafiiskiisa kula kulmay 13-kii September 2026, ayaa si qoto dheer uga hadlay aqoonta, khibradda iyo kaalintii Professor Eid Ali Ahmed uu ka qaatay horumarinta hay’adaha maaliyadeed ee Somaliland.

Dr. Fatah Al-Rahman ayaa muujiyey mahadnaq iyo qadarin ballaadhan oo uu u hayo Professor Eid Ali Ahmed, isaga oo xusay in Professor Eid uu ahaa shakhsigii hoggaaminayay isla markaana diyaariyey Qorshihii Istaraatiijiyadeed ee ugu horreeyey ee uu yeesho Bangiga Dhexe ee Somaliland ka dib 24 sanadood.

Waxa uu sheegay in aqoonta iyo khibradda ballaadhan ee Professor Eid u leeyahay qorshaynta istaraatiijiyadeed iyo dhisidda awoodda hay’adaha maaliyadeed ay door muhiim ah ka qaateen horumarinta hay’adaha kale ee Somaliland. Isaga oo iftiimiyey in khibraddii Professor Eid ee diyaarinta Qorshaha Bangiga Dhexe ay noqotay aasaas iyo tixraac muhiim u ah Machadka Somaliland Institute of Banking & Finance (SLIBF).

Waxa uu sheegay in Professor Eid uu ka qaatay door latalin iyo farsamo oo muhiim ah marxaladdii bilowga ahayd ee naqshadaynta iyo horumarinta qorshaha istaraatiijiyadeed ee Machadka Somaliland Institute of Banking & Finance ee muddada 2025–2029. Sida uu tilmaamay qorshaha oo hindisihiisa iyo qabyo-qoraalkiisii hore (Initial Draft), uu diyaariyey maamulka sare ee Machadka, gaar ahaan Agaasimaha iyo Ku-xigeenka Agaasimaha, ayaa markii dambe loo gudbiyey Professor Eid Ali Ahmed, si looga faa’iidaysto khibraddiisa ku aaddan qorshaynta istaraatiijiyadeed, dhisidda awoodda iyo horumarinta hay’adaha maaliyadeed.

Sida uu sheegay Dr. Fatah Al-Rahman, Professor Eid Ali Ahmed ayaa qabyo-qoraalkaas Qorshaha Istaraatiijiyadeed ee Machadka Somaliland Institute of Banking & Finance ee muddada 2025–2029, ku sameeyey dib-u-eegis farsamo iyo talo-bixin, isaga oo soo jeediyey arrimo muhiim ah oo lagu xoojinayo qorshaha, si uu u noqdo mid dhammaystiran oo ka tarjumaya xaaladda iyo baahiyaha Machadka. ProfessorbEid waxa uu ku biirayay talo cilmiyeed oo lagu xoojinayo Falanqaynta PEST, taas oo si gaar ah u eegta arrimaha siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo teknoolajiyadeed ee saamayn kara hawlaha iyo jihada istaraatiijiyadeed ee Machadka.

Sidaa darteed, maamulka Somaliland Institute of Banking & Finance (SLIBF) ayaa Professor Eid Ali Ahmed u muujiyey mahadnaq iyo qadarin ballaadhan, isaga oo ku ammaanay aqoontiisa, khibraddiisa iyo talooyinkii farsamo iyo cilmiyeed ee uu ku biiriyey horumarinta Qorshaha Istaraatiijiyadeed ee Machadka ee muddada 2025–2029.

Dr. Fatah Al-Rahman Abd Allah Mohamed El-Safi

Agaasimaha Somaliland Institute of Banking & Finance (SLIBF)