“Hawlihii aanu Maraykanka u joognay wax fiican ayaa ka qabsoomay”
“Qodobada ugu Weyn ee Aanu Mudnaanta Siinaynaa Waa Aqoonsi iyo Maalgashi”
Madaxweynaha oo Washington kula kulmay jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka
Washington, D.C. (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in hawlo muhiim ah oo miisaan leh ay u qabsoomeen isaga iyo weftigii xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayo intii ay ku gudo-jireen safarkooda shaqo ee ay maalmihii ugu dambeeyay ku joogeen magaalada Washington ee dalka Maraykanka. Madaxweynaha ayaa sheegay in booqashada Washington iyo safarrada kale ee uu ku tago dalalka kala duwan ee dunidu ay qayb ka yihiin dadaallada Somaliland caalamka ugu soo bandhigayso in ay aqoonsadaan ilbaxnimada, nabadgelyada, dimuqraadiyadda iyo xilkasnimada ay bulshada Somaliland ku dhistay dalkooda.
Madaxweyne Cirro waxa uu sheegay in Somaliland aanay dunida ka doonayn abaal gaar ah, balse ay dalbanayso in loo sameeyo caddaalad iyo in la aqoonsado xaqeeda sharci iyo taariikheed. Waxa uu sidoo kale bulshada Somaliland ugu bushaareeyay in himilada aqoonsiga Somaliland dhammaystirmayo, isaga oo carrabka ku adkeeyey in runta iyo caddaaladdu ay yihiin qiyamka waara. Waxa kale oo uu xusay in shacabka Somaliland ay leeyihiin samir, adkaysi iyo dadaal ay ku gaadhaan guusha iyo xaqiijinta himiladooda.
Madaxweyne Cirro waxa uu sheegay in aqoonsiga iyo maalgashigu ay ka mid ahaayeen arrimaha ugu waaweyn ee mudnaanta la siiyey. Isaga oo xusay in kulamo uu la yeeshay masuuliyiin iyo dhinacyo kala duwan diiradda lagu saaray arrimahaas iyo xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka. Iyada oo Warbixinnada laga helayo Washington ayaa sidoo kale xaqiijinaya in kulamadii Madaxweynaha ay ku jireen xubno ka tirsan Kongareeska Maraykanka iyo dhinacyo kale oo uu kala hadlay xidhiidhka, amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga.
“Ma doonayno abaal aan ahayn in caddaalad naloo sameeyo, ma dalbanno macaamil aan ahayn aqoonsiga xaqa sharci iyo taariikheedba ee aynu u leenahay,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Waxa uu bulshada Somaliland u iftiimiyay inay xukuumaddu si weyn u xoojinayso dadaallada diblumaasiyadeed ee la xidhiidha aqoonsiga Somaliland oo ah xaq sharci iyo mid taariikheed. Sidoo kale waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda samirka iyo dadaalka shacabka.
Madaxweyne Cirro ayaa si gaar ah ugu mahadnaqay dawladda Maraykanka iyo masuuliyiinta uu kulamada la yeeshay, kuwaas oo ka kala socday maamulka dawladda, Congress-ka, Senate-ka, hay’adaha caalamiga ah iyo machadyada waaweyn ee fadhigoodu yahay Washington. Waxa uu sidoo kale bogaadiyey xildhibaannada iyo xubnaha Congress-ka iyo Senate-ka, ee labada Xisbi, kuwaasi oo uu ku tilmaamay xildhibaanno miisaanka leh oo damiirkooda xorta ah iyo garashadooda sarraysaa ay siisay in ay barbar istaagaan qadiyadda sharciga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweyne Cirro sidoo kale waxa kale oo uu kulan la yeeshay Jaaliyadda Somaliland ee ku nool Waqooyiga Ameerika, gaar ahaan Maraykanka. Kulanka waxa ku wehelinayey Marwada Koowaad, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo hawl-wadeennada sare ee xukuumadda. Madaxweynuhu waxa uu Jaaliyadda uga mahadnaqay kaalinta ay kaga jiraan dhismaha qaranka, daryeelka bulshada, maalgashiga, kobcinta dhaqaalaha iyo taageerada dadaallada Somaliland ee diblomaasiyadda iyo aqoonsiga.
Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Qurba-joogta Somaliland midnimo iyo isku-duubni, isaga oo kula dardaarmay inay ka qayb qaataan nabadaynta iyo xasilinta dalka, kana fogaadaan wax kasta oo hurin kara khilaaf iyo colaad walaaleed. “Xubin aad u muhiim ah ayaad ka tihiin qarankeenna, waxaad tihiin biriishka lagama maarmaanka ah ee isku xidha Somaliland iyo Maraykanka,” ayuu Madaxweyne Cirro u sheegay Jaaliyadda.
Madaxweyne Cirro waxa uu sidoo kale ka hadlay xaaladda gobollada bari, isaga oo sheegay in ay jiraan hindiseyaal lagu doonayo in xaaladda halkaas lagu dhammeeyo wada-hadal. “Gobollada bari xaalkoodu aad buu u fiican yahay, waxaa jira hindiseyaal badan oo aanu ku doonayno in xaaladda Laascaanood lagu dhammeeyo wada-hadal,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Dr, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro waxa kale oo uu intaas raaciyay “Intii aanu halkan idinla joognay, hawlihii aanu u nimid wax fiican ayaa inooga qabsoomay.” Safarka Washington ayaa qayb ka ahaa dadaallada diblomaasiyadeed ee xukuumadda Somaliland ay ku xoojinayso xidhiidhka ay la leedahay Maraykanka, iyadoo rejo fiican laga muujinayo natiijada safarka Washington ee weftiga xukuumadda Somaliland iyo kulamadii Madaxweynaha iyo weftigiisa ee ku saabsanaayeen aqoonsiga, maalgashiga, xidhiidhka labada dhinac iyo arrimaha istaraatiijiga ah ee gobolka.



















