Duuliyihii Badbaadiyay Rakaabka Fly Dubai oo ka Waramay Wixii Ka Dhacay Gudaha Diyaarada

0
9

Duuliyaha Hindiga ah ee badbaadiyay rakaabkii saarnaa diyaaradda shirkadda Flydubai  Mr. Smit Machchhar ayaa ka sheekeeyay arrintii ka dhacday gudaha diyaaraddaas, waxa uu ka warramay sida uu ugu dadaalay badbaadinta rakaabka diyaaradda Flydubai, kadib markii uu dhaawacmay xilli uu la tacaalayay iska caabinta weerarka la sheegay in uu ku soo qaaday duuliye-ku-xigeenka diyaaraddu.

Machchhar ayaa sheegay inuu furay albaabka qolka duulista isagoo dhaawac ah, si rakaabku gudaha ugu soo galaan una caawiyaan xakamaynta xaaladda. Wuxuu sheegay in markii uu ogaaday in diyaaraddu ay si xawli ah hoos ugu sii dhacayso, isagana awooddiisu sii diciifayso kadib dhaawaca soo gaadhay uu sameeyay  isku daygiisi ugu dambeeyay “halkii dadaal ee ugu dambeeyay” si uu albaabka u furo. Waxaanu tilmaamay in uu u dagaalamayay  badbaadinta naftiisa iyo nolosha rakaabka.

Machchhar, oo dhaawacmay, ayaa markii hore lagu daweeyay isbitaal ku yaalla magaalada Tabuk ee dalka Sacuudi Arabiya, waxaana markii dambe loo qaaday Abu Dhabi. Safaaradda Hindiya ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in xaaladdiisu wanaagsan tahay oo uu si fiican uga soo kabanayo.

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ku ammaanay kabtanka geesinnimadiisa, dulqaadkiisa iyo go’aannadii degdegga ahaa ee uu qaatay, isagoo sheegay in tallaabooyinkiisu ay gacan ka geysteen badbaadinta nolosha dad badan. Isla markaana geesinimadiisay uu ku faanayo dalka Hindiya oo  dhan. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa kabtankan ku tilmaamay halyeey dhab ah.

Sidoo kale Shirkadda diyaaradaha ee SpiceJet oo uu hore uga tirsanaa ayaa ku ammaantay Machchhar geesinnimadiisa iyo doorkii uu ka qaatay badbaadinta rakaabka. Kabtan Smit Machchhar wuxuu ku dhashay kuna soo koray magaalada Mumbai ee dalka Hindiya. Wuxuu xirfadda duulista ka bilaabay Mainland Air oo ah machad duulista lagu barto oo ku yaalla magaalada Dunedin ee dalka New Zealand, kaas oo kuu ku biiray sannadkii 2008.

Sannadkii 2011, Machchhar wuxuu ku biiray shirkadda diyaaradaha ee Hindiya ee SpiceJet, isagoo noqday duuliye ganacsi. Kadib markii uu waayo-aragnimo dheeraad ah helay, wuxuu u guuray Dubai, halkaas oo uu sannadkii 2022 kaga biiray shirkadda Flydubai. Machchhar wuxuu leeyahay in ka badan 9,750 saacadood oo khibrad duullimaad ah, kuwaas oo in ka badan 6,400 saacadood uu ku qaatay isagoo ahaa duuliyaha mas’uulka ka ah diyaaradda. Dadkii hore ula soo shaqeeyay ayaa ku tilmaamay duuliye deggan oo awood u leh inuu isdejiyo marka ay xaalad adag timaaddo.