Qore: Sacad Xarbi
Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cismaan Ibraahin Nuur (Af-Gaab), ayaa xarunta guud ee Xisbiga talada dalka haya ee WADDANI kaga qaybgalay kulankii 11-aad ee barnaamijka toddobaadlaha ah ee “La Hadal Xisbigaaga”, isagoo ka warbixiyey hawlaha Wasaaradda u qabsoomay, qorshayaasha horumarinta gaadiidka iyo jidadka, iyo tallaabooyinka lagu yaraynayo shilalka gaadiidka.
Kulanka oo qayb ka ah barnaamijka joogtada ah ee Xisbiga WADDANI, ayaa Wasiirku kaga hadlay waxqabadka iyo horumarka laga sameeyay labada waaxood ee ugu muhiimsan Wasaaradda, kuwaas oo kala ah Gaadiidka iyo Jidadka. Waxa uu sheegay in Wasaaraddu waddo qorshayaal lagu xoojinayo nidaamka gaadiidka, isla markaana lagu diyaarinayo xeerar iyo sharciyo cusub oo lagu maamulayo isu-socodka gaadiidka dalka.
Wasiir Cismaan ayaa sheegay in Wasaaraddu wax-ka-beddel iyo kaabis ku samaysay Xeerka Waddo-marista, oo markii hore la sameeyey sannadkii 2013-kii, isla markaana hadda uu horyaallo Baarlamaanka. Waxa uu xusay in wax-ka-beddelka xeerkan looga gol leeyahay in lagu waafajiyo baahiyaha cusub ee gaadiidka iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka dhasha shilalka , kuwaasi oo uu sheegay in dalka aad ugu badan yihiin isla markaan ay guud ahaan qaranka ku keenaan dhibaato weyn, wadd istaagay dhibaatada shilalka gaadiidka, kuwaas oo sheegay inay sababeen dhimasho, dhaawac badan iyo burbur hanitiyeed iyo dhaqaale.
Wasiirku waxa uu si gaar ah u dul istaagay sababaha shilalka iyo dhibaatada gaadiidka, Waxa uu tilmaamay in sababaha shilalku ay inta badan la xidhiidhaan saddex arrimood oo kala ah darawalka, waddada iyo gaadhiga. Wasiirku wuxuu tilmaamay si wax looga qabto loona xoojiyo badbaadada iyo badqabka dadka, gaadiidka iyo waddooyinka,, waxa uu sheegay in Wasaaraddu adkaysay nidaamka lagu bixiyo liisamada wadista gaadiidka. Waxa uu sheegay in goobaha imtixaannada lagu qaado lagu rakibay kamarado loogu talagalay la socodka iyo hubinta habsami-u-socodka imtixaannada.
Sida uu sheegay Wasiirku, maalin kasta waxaa Wasaaradda yimaadda dad badan oo doonaya inay qaataan liisamada wadista, balse tirada ku gudubta imtixaannada ayaa aad uga yar dadka imtixaanka u fadhiista. Tallaabadan ayuu ku tilmaamay qayb ka mid ah dadaallada wasaarraddu ku hubinayso in dadka qaadanaya ama loo ogolaanayo liisamada wadista gaadiidku ay yihiin dad u qalma oo leh aqoonta iyo xirfadda lagama maarmaanka ah.
Waxa kale oo uu sheegay in Wasaaraddu qabatay 17 shir oo diiradda lagu saaray xal u helidda shilalka gaadiidka iyo yaraynta dhibaatooyinka ka dhasha shilalka. Dhanka kale, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ayaa ka hadlay mashaariicda iyo qorshayaasha Wasaaradda ee lagu horumarinayo laguna casriyeynayo jidadka dalka. Waxa uu sheegay in horumarinta jidadka iyo nidaaminta gaadiidku yihiin laba dhinac oo si dhow isugu xidhan, isla markaana loo baahan yahay in labadaba la horumariyo si loo helo isku-socod ammaan ah oo hufan.
Kulanka ayaa sidoo kale ahaa fursad ay ka qaybgalayaashu Wasiirka su’aalo kaga weydiiyaan hawlaha Wasaaradda, adeegyada ay bixiso iyo qorshayaasha mustaqbalka. Waxa ay sidoo kale soo jeediyeen talooyin iyo aragtiyo ku saabsan sidii loo sii horumarin lahaa adeegyada gaadiidka iyo jidadka.
Guntii iyo gabagabadii, Barnaamijka “La Hadal Xisbigaaga” ayaa si joogto ah uga qabsooma xarunta guud ee Xisbiga WADDANI, kaas oo ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo xidhiidhka iyo is-dhexgalka u dhexeeya masuuliyiinta Xukuumadda, taageerayaasha xisbiga Waddani iyo guud ahaan bulshada iyo muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland.




















