Tababaraha cusub ee xulka qaranka Faransiiska, Zinedine Zidane, ayaa ka hadlay dhacdadii caanka noqotay ee uu madaxa ku dhuftay daaficii Talyaaniga Marco Materazzi intii lagu jiray finalkii Koobka Adduunka 2006, Zidane ayaa sheegay inuusan ka qoomamayn dhacdadaas, inkastoo uu qiray inuusan ku faanin waxa dhacay.
Zidane: “Ma ka qoomameynayo” , Zidane oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka Stade de France, ka hor kulanka Faransiiska iyo Talyaaniga, ayaa la weydiiyay haddii uu weli ka shallaayo falkaas oo sababay in kaarka cas laga siiyo finalkii 2006.
Isagoo dhoolla-caddeynaya ayuu sheegay in sawirrada dhacdadaasi ay weli jiraan, isla markaana si joogto ah loo soo bandhigo, Wuxuu yiri: “Nasiib wanaag, taasi ma ahayn waxa kaliya ee aan sameeyay. Waxaa jiray waxyaabo badan oo ka qurux badnaa, sidaas darteed waxaan isku dayaa inaan ka fikiro dhinacyada wanaagsan.”
Zidane ayaa si cad u sheegay: “Ma ka qoomameynayo, sababtoo ah waxay qayb ka ahayd safarkaygii ciyaareed.”
Tababaraha Faransiiska ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuusan wax xiriir ah la sameyn Marco Materazzi tan iyo habeenkii ay dhacdadu ka dhacday magaalada Berlin, Finalkii Koobka Adduunka 2006 ayaa ku dhammaaday barbaro, waxaana Talyaanigu ugu dambeyn ku qaaday koobka rigoorayaal.
Inkasta oo Zidane uu sheegay inuusan ka qoomamayn, haddana wuxuu caddeeyay inuusan ku faanin dhacdadaas:- “Kuma faano wixii dhacay, taas marar badan ayaan sheegay, laakiin waxay qayb ka tahay safarkayga, Qofku mar walba ma sameyn karo waxyaabo waaweyn.”
Zidane ayaa sidoo kale xusay in xilligaas uusan marnaba filayn inuu mustaqbalka noqon doono tababare:- “Sannadkii 2006 ma aanan ogeyn inaan tababare noqon doono. Waxaan u malaynayay in wax walba ay dhammaadeen, sidaas darteed arrintaasi aad ayay iigu adkayd.”
Zidane oo 54 jir ah ayaa loo magacaabay tababaraha xulka Faransiiska dhammaadkii July 2026, isagoo beddelay Didier Deschamps oo xilka hayay muddo 14 sano ah, Labadii kulan ee ugu horreeyay ee uu Zidane hoggaamiyo Faransiiska waxay ka dhaceen meel ka baxsan dalkooda, waxaana uu labada kulanba ku guuleystay 1-0, isagoo ka adkaaday Turkiga iyo Belgium.
Hadda Zidane wuxuu markii ugu horreysay xulka Faransiiska ku hoggaaminayaa garoonkooda, iyadoo ay wajahayaan Talyaaniga, taasoo dhacdadii 2006 mar kale xusuusta kusoo celisay.




















