Hargeysa (Dawan) Orodyahan Fu’aad Siciid, oo ah orodyahan u dhashay Somaliland kana tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa ku guulaystay kaalinta koowaad ee tartanka Hargeysa Half Marathon 2026, kaas oo lagu soo gabagabeeyay caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Tartanka oo ahaa orodka 21-ka KM ayaa laga soo bilaabay Royal Plaza Hotel, waxaana lagu soo gabagabeeyay Hargeisa Stadium, iyadoo ay ka qayb galeen ku dhowaad 100 orodyahan oo ka kala socday Somaliland iyo lix dal oo Afrikaan ah.
Fu’aad Siciid oo sannadkii hore tartankan ka galay kaalinta labaad ayaa sannadkan ku guulaystay kaalinta koowaad, isagoo tartanka ku matalayay Somaliland. Hargeysa Half Marathon 2026 ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay orodyahanno ka socday dalalka Itoobiya, Chad, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Jamhuuriyadda Congo iyo Angola, kuwaas oo kula tartamay orodyahannada Somaliland.
Guushan ayaa Fu’aad Siciid ayaa ah y horumar kale oo uu ka sameeyay himildiisa tartannada caalamiga ah ee orodka, kaddib markii uu sannadkii hore ku dhammeystay kaalinta labaad, isla markaana uu dalka Itoobiya ku soo qaatay tababar iyo carbis adag oo uu ugu diyaar-garoobayay ka qayb galka tartankan Hargeysa Half Marathon 2026 ee uu ku guulaystay.
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, Axmed-yaasiin Maxamed Faarax, oo ay weheliyaan Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase, oo galinkii dambe ee shalay si rasmi ah u soo xidhay tartanka orodka ee Hargeisa International Half Marathon, ayaa hadallo dhiirigelin ah ka jeediyay munaasabaddii abaar-marinta guulaystayaasha. Wasiirka ayaa orodyahannadii guulaystay ee kaalmaha hore ka galay tartanka guddoonsiiyay abaal-marinno lacageed, iyadoo lagu dhiirrigeliyay dadaalkooda iyo horumarinta ciyaaraha.




















