Xuska Maalinta Hablaha Aduunka oo Hargeysa lagu qabtay iyo Faa,iidooyinka Luubaanta

0
108

Qormada Arrimaha Bulshada waxaan ee todobaadkan waxaan ku soo qaadan  doonaa munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay wasaaradda Shaqadda, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jsl ugu tala gashay in lagu dhiiri geliyo hablaha Somaliland iyo caruurta, oo shalay lagu qabtay Magaalada Hargeysa, halkaas oo lagu soo bandhigay oo lagaga waramay muhiimada ay Habluhu u leeyihiin Qaranka iyo bulshadaba.

Munaasibada oo ay ka soo qaybgaleen wasiirka wasaaraddaas wasiir ku xigeenka Agaasimaha guud iyo madax kale ayaa waxa ka hadashay Wasiirka Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Jamhuuriyadda Somaliland marwo Milgo Maxamed Cilmi waxanay tidhi “Maanta(shalay) waxaanu u astaynay maalinta Hablaha yaryar ee Dalkan, muhiimada aanu shirkan u qabanayna waxa weeye in diirada lagu saaro Caqabadaha ay la kulmaan Habluhu sidii loo dabar jari lahaa, waxaanan ku boorinayaa waalidka inay la sheekaystaan caruurtooda si ay ugu sheegaan wax kasta oo ku soo kordha noloshooda, waxanaan ka Dawlad ahaan ka wada shaqaynaynaa sidii loo horumarin lahaa Hablah aiyo Caruurta.”

Sidoo kale ay intaa ku dartay wasiirku iyadoo hadalkeeda sii wadata “waxaan u dabaal_degaynaa adkaysiga, awoodda, iyo kartida aan xadidnayn ee hablaha ku nool Somaliland iyo guud ahaan dunida, Anigoo ah haweeney soomartay safarka nololeed ee hablaha da’da yar ee dalkayga, waxaan garowsanahay caqabadaha ay wajahaan, ee la xidhiidha waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqaale, ka qaybgalka hoggaanka iyo maamulka”.

Sidoo kale Gaas, oo ka socday BBC Media Action oo ka hadlay ayaa  yidhi ”Waxa farxad weyn ah inaan 20-kii sano ee la soo dhaafay si hagar la’aan ah uga shaqeynayey hablaha iyo carruurta Somaliland kana shaqaynaynay waxbarashada, ka hortaga gudniinka Hablaha ah (FGM), cudurka polio, iyo caqabadaha kale ee caafimaadka. Hambalyo ayaan u dirayaa dhammaan hablaha Somaliland iyo guud ahaan adduunka maalintan gaarka ah awgeed.”

Geestiisa Wakiil ka socda UNICEF oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay UNICEF Dawladda Somaliland kale shaqayso sidii ilmo walba u heli lahaa xuquuqaha asaasiga ah iyo koboc aan faquuq lahayn, iyo sidii looga hortagi lahaa in ay la kulmaan tacadiyo.

 

Faa’iidooyinka laga helo Luubaanka

 

 

Qaybtan waxaan ku eegi doona faa,iidooyinka laga helo Luubaanka hadaba dawooyinka laga sameeyo ka sakow waxa jira qaar kale oo ka mid ah Mucjisooyinka geedkani leeyahay, sida ,calaalinta xanjadiisa oo faa’iido u leh caafimaadka guud ee Aadamiga

Sida umadihii hore iyo dunidan casrigu isla waafaqsan yihiin, geedka fooxa ama Luubaanka waxa uu ka mid yahay dhirta, kuwooda ugu wanaagsan, caafimaad ahaan iyo nadaafad ahaanba uguna sareeya, waana geedka kaliya ee soo labeeya timirta marka dhinaca nafciga iyo faa’iidada uu aadamiga u leeyahay laga eegayo.

Fooxa dawooyinka iyo waxyaabaha badan ee laga sameeyo ka sakow waxa uu leeyahay, xanjo aad u macaan oo faa’iidooyin tiro badan oo aan la soo koobi Karin laga helo, kuwaas oo toban ka mid ah aynu qormadeenan ku soo qaadan doono.

In kastoo guud ahaan calashiga xanjadu faa’iidooyin badan aadamigu ka helo, haddana xanjada fooxa (Lubaanku), waa mid aan la qiyaasi Karin qiimaha iyo nacfiga tirada badan ee laga helo, kuwaas oo baadhitaano caafimaad iyo daraasado cilmi oo dunida laga sameeyay ka wada marag fureen.

Ka hor inta aynaan u gudo gelin tobanka faa’iido ee xanjada fooxa laga helo, aynu wax yar ka soo qaadano, umadihii hore ee dunidu siyaabihii kala duwanaa ee ay fooxa u isticmaali jireen, gaar ahaan Faraaciintii Masar, oo ka mid ah dadyowga dawooyinka dabiiciga iyo adeegsigooda dunida ku soo kordhiyay.

Sida taariikh yahanadu soo wariyeen, Faraaciinta ayaa fooxa ka sakow uduga iyo nadaafada, u isticmaali jiray oo kale dhiig joojinta, is qurxinta, calool xanuunka iyo dhaymaha, waxa kale oo uu fooxa ay u adeegsan jireen, cuntada oo ay Suyuca iyo inay is badasho ay kaga ilaalin jireen, taas oo ugu jirtay halka dawooyinka in cuntada iyo sharaabku dhacaan lagaga ilaaliyo.

Haddii aynu u soo noqono, mawduuca qormadeena ee Tobanka Faa’iido ee Calashiga Xanjada Fooxu u leedahay aadamiga.

Faa’iidada Koowaad: Fooxa oo la calashado Cuntada ka dib, waxa ay wanaajisaa, nidaamka qaadashada cuntada, waxaanay yaraysaa hamuunta cuntooyinka kale ee sadex wakhti ama xiliyada cunto ee saxda ah ka baxsan. Sida ay cadaysay daraasad Jaamacada Louisiana ee dalka Maraykanku diyaarisay, dadka isticmaala xanjada Fooxa wakhtiyada cuntada ka dib, waxa u saxma hab dhaqameedkooda cunto, oo hamuunta cuntooyinka fudud ee cayilaada iyo baruurta xad dhaafka ah keena ayaa ka yaraata, waxaanu hab dhaqankaasi jidhka ka foogeeysa halista Maadooyinka (Calories) afka qaalad loogu yeedho oo ah, duxda sababta naaxida khaldan ee jidhka.

Faa’iidada Labaad: Xanjada Fooxa oo qofku ugu yaraan saacad si joogta u calashado, waxay firfircooni gelisaa shaqada Maskaxda, waxaanay kordhisaa qaybta xusuusta ee maskaxda, sida daraasado tiro badani cadeeyeen, calashiga xanjadu, wuxuu boqolkiiba % 40 kordhisaa habka wareega dhiiga, taas oo sababta in Maskaxdu hesho Oxygen badan, ka dibna ay shaqadeedu aad u fiicnaato.

Faa’iidada Sadexaad: Calashiga Xanjada Fooxa iyo ta kale ee caadiga ah, labaduba waxay xoojiyaan hab dhiska dheefshiidka jidhka, waxaana inta qofku xanjada calashanayo, dheefshiidku wuu kordhaa, waxa kale oo si wanaagsan u shaqeeya, enzymes-ka caawiya Beerka iyo xamaytida.

Faa’iidada Afraad: isticmaalka Xanjada Fooxu waxay yaraysaa, calool ololka, laab dilaaca iyo xanuunada Midhicirada, sida daraasado tiro badan oo la xidhiidha cunista xanjadu cadeyeen, qof kasta oo cuntada ka dib xanjo ugu yaraan 45-daqiiqo calashada, waxay ka yaraysaa, calool ololka, waxaanay si kama danbaysa ah, u bogsiisaa laab dilaaca iyo xanuuno badan oo midhicirada iyo nidaamka dheefshiidka ku dhaca. La soco…