Ku soo dhowaada Barnaamijkeenna “Dhaqashada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga”, oo ah barnaamij toddobaadle ah oo Isniin kasta ka baxa Wargeyska Dawan. Waa barnaamij diiradda saaraya daryeelka xoolaha, kor u qaadista wax soo saarka gudaha, iyo horumarinta nolosha reer miyiga. Ujeeddadeennu waa in aynu bulshada ku dhiirrigelino fahamka iyo dhaqangelinta hababka casriga ah ee xanaanaynta xoolaha, si ay uga faa’iidaystaan fursadaha dhaqaale iyo caafimaad ee ka jira Somaliland.
Qaybta maanta ee barnaamijkeenna, waxa aynu iftiimin doonaa beedka – cunto hodan ku ah nafaqooyin kala duwan oo muhiim u ah jidhka bini’aadamka. Beedku waa isha ugu weyn ee borotiinka tayada sare leh, waxaana ku jira fitamiinno iyo macdanno kala duwan oo gacan ka geysta caafimaadka wadnaha, indhaha, iyo maskaxda. Sida ay muujinayaan cilmi-baadhisyo caafimaad, hal beed oo la cuno maalin kasta waxay si weyn uga qayb qaadataa ilaalinta caafimaadka guud ee qofka.
Barnaamijkeenna maanta, aynu si qoto dheer u eegno sababta beedku u yahay “cunno dahabi ah” iyo sida loo kordhin karo soo saaristiisa si ay uga mid noqoto il dhaqaale oo joogto ah bulshada reer Somaliland waxana idinla socodsiinaya anigoo ah Wariye C/wahaab Daahir Xasan.
Wax soo saarka gudaha (local production) waa tiir muhiim ah oo lagu dhiso madax-bannaanida dhaqaale ee qaran kasta. Dal kasta oo doonaya koboc iyo xasillooni dhaqaale waxa xoogga saaraa soo saarista badeecooyinka iyo adeegyada uu u baahan yahay halkii uu ku tiirsanaan lahaa dibadda.
Dhaqaale Kobcin.
Kordhinta wax soo saarka gudaha waxay si toos ah u kordhisaa wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP). Tani waxay horseeddaa in la abuuro suuqyo cusub, lana kordhiyo dakhliga dawladda ee canshuuraha. Intaa waxaa dheer, wax soo saarka gudaha wuxuu gacan ka geystaa horumarinta tiknoolajiyada, tayada badeecooyinka, iyo tartanka suuqyada gudaha oo danta ugu dambaysa ay helaan shacabka.
Xakamaynta Lacagaha Dibadda U Baxda
Dal kasta oo ku tiirsan badeecooyin iyo adeegyo dibadda laga keeno wuxuu luminayaa lacagaha qalaad ee muhiimka ah. Hase yeeshee, marka badeecooyinka gudaha lagu sameeyo, lacagtaas gudaha ayay ku wareegtaa, taas oo xoojisa awoodda suuqa iyo qiimaha lacagta dalka. Taasi waxay kaalin weyn ka qaadataa ilaalinta dheelitirka miisaaniyadda iyo xakamaynta sicir-bararka.
Shaqo Abuur iyo Koboca Xirfadaha
ganacsiyada yaryar ee gudaha ka jira ayaa ah ilaha ugu waaweyn ee shaqo abuurka. Marka la dhiirrigeliyo wax soo saarka maxalliga ah, fursadaha shaqo ee tooska ah iyo kuwa dadban labadaba way kordhaan. Taasi waxay ka caawisaa dhalinyarada iyo haweenka inay helaan nolol dhaqaale oo waarta, isla markaana waxay yaraysaa heerka saboolnimada iyo tahriibka.
11 bisha October waa Maalinta dunida looga aqoonsan yahay maalinta xuska Beedka Adduunka, taasi oo dunida oo dhan looga dabaaldago loona asteeyey maalinta caalamiga ah ee beedka aduunka.
“xuska Maalinta Beedka Adduunka, ayaa waxa lasheegay in looga gol leeyahay in lagu xoojiyo fahamka bulshada ay u leedahay Muhimmada Beedku uu u lee yahay caafimaadka, nafaqada iyo dhaqaalaha taasi oo aanay dad badan oo inaga mid ahi aanay ku baraarugsanayn, iyo sidoo kale in la dhiirigaliyo dadka ku hawlan dhaqashada Digaaga.
Somaliland ayaa ka mid ah wadamada sida aadka ah looga xuso maalinta Beedka aduunka, wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer migiyiga Somaliland ayaa munaasibad ay soo qaban qaabisay oo ay ka soo qayb galeen shirkadaha dhaqashada digaaga iyo daneeyataal kale ayaa waxa lagu qabtay magaalada Hargaysa ee Caasimada Somaliland
Geesta kale shirkadaha dhaqa Digaaga ayaa dhankooda maalintan soo bandhiga qaabka ay u xanaaneeyaan Digaaga, Beedka ay suuq geeyaan, waxtarka dhaqaale, Caafimaad ee Beedka Digaaga iyo caqabadaha soo haysta ama soo waajaha ee u baahan in wax lagala qabto.
Beedku waa cunto fudud, jaban, balse leh qiime nafqo oo aan la soo koobi karin. Waa cunto kaalin weyn ka qaadata caafimaadka, waxbarashada, iyo horumarka dhaqaalaha. Haddaba aynu u dabaaldegno maalintan si aynu u xoojino caafimaadkeena iyo mustaqbalkeena.”
Sidoo kale, Beedka waxay door weyn ka qaadataa dhaqaalaha, iyadoo beeralayda soo saarta Beedka ee maxalliga ahi ay abuuraan shaqooyin badan oo toos ah iyo kuwo dadban.
Hargeysa iyo magaalooyin kale oo Somaliland ah ayaa sidoo kale lagu qabtay xaflado iyo dood cilmiyeedyo lagu muujinayo muhiimadda Beedka ee caafimaadka bulshada.
Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta Somaliland Cumar Shucayb Maxamed oo magaalada Hargaysa kaga qaybgalay xuska Maalinta Caalamaiga ah ee loo asteeyey Beedka Aduunka ayaa waxa uu shirkadaha Dhaqashada Digaaga soo saarana Beedka ee xusku ka soo qaybgalay u sheegay “Waxaanu Dhiri galin doonaa, shirkadaha Beedka iyo dhamaan dadka ka Shaqeeyaa Xoolaha.”hadalka wasiirkan ayaa ah mid ka turjumaya sida wasaaradda xanaanada xooluhu ugu heelan tahay garab istaag ay u samaynayso shirkadaha ka shaqeeya Dhaqashada Digaaga maadaama wasaaradda doorkeeda shaqoba yahay Horumarinta xoolaha iyo Reer miyiga.
Wasiirka Cumar Shucayb Maxamed ayaa xusay sida uu Beedku ka mid yahay cuntooynka aas aasiga ee ugu muhiimsan kaasi ee nafaqada qofka kor u qaada oo ay ku jiraan Booratiino aad u badan, waxana la tilmaamaa in mararka qaar Beedku ka fiican yahay cuntooyin faro badan oo uu hilibka casi ka mid yahay, waxana uu ka mid yahay Cuntooyinka Sugan.
Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer Miyiga ayaa madashadii xuska maalinta Beedka Aduunka soo qaatay soo saarista war-qad amar cashuur kordhineed oo uu ku soo saaray Sanadii 2016kii oo uu ahaa wasiirka wasaaradda ganacsiga somaliland xiligii Xukuumadii AHN Axmed Maxamed Maxmuud Silaanyo taasi oo u jeedadeedu ahayd mudnaanta uu siinayey Beedka ay soo saaraan shirkadaha Beedka ee Dalka gudihiisa.
”Aniguu ahaa wasiirkii ugu horeeyey ee warqada idiin qoray ee joojiyey Beedka dibada laga keeno ee cashuurta ku dalacay oo aan idhi Beedka gudaha ha loo sameeyo Garab-istaag, waxanu berigaa samaynay Xog ururin Iyada oo ay shirkaduhu yaraayeen barigaa, Shirkada Maandeeq ayaa u wanayd, Markasta oo aynu badino wax soosaarka gudaha waxay inoo badbaadinaysaa lacagtii adkayd ee dibada dalka inooga bixi jirtay”ayuu yidhi wasiir Cumar Shucayb Maxamed.
Som poultry waa dalada guud ee ay ku midaysan yihiin 5 shirkadood oo ah kuwa soo saara Beedka gudaha Somaliland, maamulaha guud ee dalada Som PoultryIido Ibraahim Cabdi ayaa waxay sheegtay in Sompoutry sanadkii soo saarto Beed ay tiradiisu gaadhayso 30kun oo xabo, isla markaana ay doonayaan marka la gaadho Sanada 2026 ay kor u sii qaadaan wax soo saarka Beedka.
“Som poultry waxay abuurtay silsilad suuq oo nidaamsan beeruhu kaliya waxay soo saaraan beed laakiin ma iibin karayaan beedka, Beeruhu marka ay soo saaraan Beedka waxay ay ku wareejiyaan Beedka dalada Som poultry, maadama aan wadan ka hore loogu dhaqi jirin digaag waxa naga horyimid caqabedo farobadan markaa caqabadihii waxaanu dareenay in aan xalin karanayo hadaan isku nimaadno oo beer walba caqabada ka hortimaad ay la wadaagto beerta kale, ujeedadayadu waxay ahayd inaan horu marino wax soo saarka Beedka si loog maarmo Beedka dibada laga soo dajinayo” sidaasi waxa tidhi maamulaha dalada Beedka ee Som Poultry.
Dalada Som poultry ayaa Beedka ay soo saaraan shirkadaha dhaqadashada digaagu waxay suuqa digaaga ugu iibgeeyaan qaab Jumlad ah oo aan ahayn qaabka tafaariiqda ah taasi oo ay ku sheegeen inay ugu dan leeyihiin ama ay u daayeen qaabka iibinta tafaariiqda Bakhaarada iyo meheradaha kale ee shacabka ka sii iibiya,taasi ay ay abuutay fursado shaqo iyo ganacsi dheeraad ah oo ay bulsho badani ka faa’dayaan.
Hirgalinta shirkadaha gudaha ayaa qayb door muhiim ah ka qaadata shaqo abuurka, koboca dhaqaalaha dalka iyo shirkadaha wax soo saarka iyo sidoo kale xakamaynta lacagaha adag ee sida daadka u baxa dalka dibadiisa.
Dawladaha caalamka ayaa waxay qorshayaal wax ku ool ah ka yeeshaan sidii loo horumarinta lahaa dhinacyada kala duwan ee wax soo saarka gudaha dalka Beedkuna waxa uu ka mid yahay wax soo saarka ay dalal badani u dhoofiyaan dalka dibadiisa taasi oo macnaheedu tahay marka beedka dalka gudihiisa laga soo saaraa uu ka bato istcmaalka gudaha waxa Khasab ay in loo raadiyo suuqyo dibadeed si ay u kordhaan wax soo saarka dalka iyo koboca shaqaalee ee shirkadaha soo saara Beedka loona helo shaqa abuur.
Gabogabadii.
Barnaamijkeena dhaqashada xoolaha ee todobaadlaha ah ee ku baxa Wargeyska Dawan waxa uu maanta diiradda saarayay muhiimadda wax-soo-saarka Beedka gudaha iyo sida uu door weyn uga ciyaaro koboca dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo xakamaynta lacagaha dibadda u baxa. Xuska Maalinta Beedka Adduunka ee lagu qabtay Hargeysa ayaa iftiimiyay doorka beedka iyo dhaqashada digaagga ee Somaliland, iyadoo Dallada Som Poultry oo ay ku bahoobeen beeraha beedka ay hormuud ay ka yihiin kor u qaadista wax-soo-saarka maxalliga ah, abuurista fursado shaqo, iyo yareynta ku-tiirsanaanta beedka dibadda laga keeno. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cumar Shucayb Maxamed ayaa sheegay in beedku yahay cunto nafaqo leh oo muhiim u ah caafimaadka iyo dhaqaalaha, isla markaana wasaaraddu ay sii wadi doonto dhiirrigelinta iyo taageerada shirkadaha gudaha si loo xaqiijiyo madax-bannaani dhaqaale iyo horumar waara.






















