“Madaxweynaha JSL oo lagu ammaanay daah-furnaan, hoggaamin toolmoon iyo wada-tashiga qaran”
“Madaxweyaha oo si faahfaahsan uga warbixiyey guulaha diblomaasiyadeed ee safaradiisi iyo horumarka JSL”
“Xukuumadda wadajir iyo waxqabad oo si weyn u xoojisay iskaashiga iyo wada-shaqaynta Hay’adaha Qaranka”
Hargeysa, (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shalay kulan muhiim ah oo xog-warran qaran ah la yeeshay shir-guddoonka labada gole ee Baarlamaanka Somaliland (Wakiillada iyo Guurtida) iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Kulankan Madaxweyaha Somaliland la yeeshay masuuliyiintan iyo madaxda saree e dawladda oo ahaa mid ku dhisan wada-tashi qaran, ayaa Madaxweyne Cirro si faahfaahsan uga warbixiyey xaaladaha guud ee dalka iyo hannaanka ay u socdaan hawlaha Qaranku, gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, xasiloonida, arrimaha bulshada, iyo hab-sami-u-socodka siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay safarradii diblomaasiyadeed ee uu dhawaan ku tagay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, isaga oo xusay in socdaaladaasi laga gaadhay guulo waaweyn oo istaraatiiji ah, kuwaasi oo si weyn u xoojinaya xidhiidhka Somaliland ay la leedahay labadaasi dal, gaar ahaan kor u qaadista iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, amniga, iyo siyaasadda gobolka.
Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa uu si qoto-dheer uga warramay hannaanka diblumaasiyadeed ee ay Xukuumaddu u wado qorshayaasha nabadda, amniga, horumarinta bulshada iyo dedaallada ictiraaf raadinta qaranka, kuwaasi oo dhammaantood u socda si wacan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa bogaadiyey doorka muhiimka ah ee madaxda sare ee qaranku ay ku leeyihiin ilaalinta sharciga, dimoqraadiyadda, iyo hufnaanta hay’adaha qaranka, isagoo carrabka ku adkeeyey in wadashaqaynta iyo isfahamka u dhexeeya hay’adahaasi ay muhiimad weyn u leeyihiin horumarka dalka.
Dhanka kale, shir-guddoonka labada gole qaran iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa Madaxweynaha ku ammaanay hoggaamintiisa masuuliyadda ku dhisan iyo hannaanka hufan ee ku salaysan wada-tashiga qaran, xog-warranka joogtada ah iyo daah-furnaanta dawladnimo ee uu hormuudka ka yahay, iyagoo tilmaamay in iskaashigan uu sare u qaadayo kalsoonida hay’adaha qaranka iyo mideynta go’aan-qaadashada qaranka.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xusay in dalka uu ku tallaabsaday horumar ballaadhan oo dhinacyo badan leh iyo xasillooni siyaasadeed, kuwaas oo ay saldhig u yihiin nabadda, xasiloonida, dimuqraadiyadda, hufnaanta nidaamka dawladnimo, iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa hay’adaha qaranka.
Gunaanad:
Kulanka xog-warranka qaran ee uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) la yeeshay shir-guddoonka labada gole ee Baarlamaanka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa si cad u muujiyey sida ay Somaliland uga go’an tahay horumarinta dalka iyada oo la xoojinayo wada-tashiga, daah-furnaanta, iyo iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha qaranka. Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga warbixiyey guulaha diblomaasiyadeed, horumarka amniga iyo bulshada, iyo dadaallada ictiraaf raadinta, taasoo ka tarjumeysa hannaanka hufan ee uu hoggaaminayo.
Dhanka kale, bogaadinta madaxda sare ee qaranka ayaa kor u qaaday kalsoonida iyo mideynta go’aan-qaadashada qaranka, taasoo ah aas-aaska nabadda, dimuqraadiyadda, iyo xasilloonida siyaasadeed ee Somaliland. Kulankan ayaa sidoo kale caddeyn u ahaa himilada iyo go’aanka guud ee dalka oo ku wajahan mustaqbal ifaya oo lagu gaadho horumar iyo nabad waarta.

























