Cayayaan ka soo Jeeda Afrika oo Wax ka Beddelay Koboca Wax Soo-saarka Saliidda Hindiya

0
64

Elaidobius camerunicus, oo ah cayayaan asal ahaan ka soo jeeda qaaradda Afrika, balse aan ka weynayn injirta madaxa gasha, ayaa door muhiim ah ka ciyaaray kobcinta wax-soo-saarka geedka timirta saliidda ee dalka Hindiya. In kasta oo ay u muuqato sheeko la yaab leh, haddana waa mid dhab ah. “Daaniyaha timirta saliidda ee Afrika” ayaa markii la geeyay Hindiya wax weyn ka beddelay habka bacriminta geedaha timirta, taas oo sababtay in wax-soo-saarka iyo tirada midhaha timirtu ay si weyn u kordhaan.

Hindiya waxay muddo dheer ku tiirsanayd dalagyada dhaqameed ee saliidda laga sameeyo, sida sisinta, lawska, khardal iyo qumbaha. Si kastaba ha ahaatee, korodhka degdegga ah ee tirada dadka ayaa keenay baahi sii kordhaysa oo saliidda cuntada ah, taasoo ku qasabtay dowladda iyo beeraleyda inay raadiyaan xalal waara.

Timirta saliidda ayaa loo arkay dalag aad u qiimo badan, maadaama geedkani aanu lahayn xilli go’an oo sannadka oo dhan midho dhalin kara, isla markaana hal hektar oo beerta timirta ahi uu soo saaro saliid shan jibbaar ka badan dalagyada kale ee saliidda laga helo.

Cilmi-baadhayaal ka socday dalka Malaysia ayaa sannadkii 1981-kii ogaaday in cayayaan yar oo lagu magacaabo Elaidobius camerunicus uu yahay mas’uulka ugu weyn ee bacriminta dabiiciga ah ee geedka timirta saliidda ee Galbeedka Afrika   halkaas oo geedkani asal ahaan ka soo jeedo.

Kahor intaan cayayaankan la adeegsan, beeraleyda Malaysia iyo Hindiya labaduba waxay manka geedaha labka ah gacanta uga gudbin jireen kuwa dheddigga ah, taas oo ahayd hawl culus oo waqti badan qaadata. Markii cayayaankan la geeyay Malaysia 1981-kii, wax-soo-saarka si lama filaan ah ayuu u kordhay.

Markii guushaas la arkay, Hindiya ayaa raacday dariiqaas. Sida ay sheegtay Jaamacadda Tamil Nadu Agricultural University, cayayaankan markii ugu horreysay waxaa lagu sii daayay Hindiya, gaar ahaan gobolka Kerala, sanadkii 1985. Dhowr sano kaddib, cilmi-baadhis qoto dheer ayaa laga sameeyay Machadka Cilmi-baadhista Timirta Saliidda ee Hindiya (IIOPR) ee Pedavegi, gobolka Andhra Pradesh.

Sida uu sheegay Shyam Prasad, oo ah sarkaal ka tirsan waaxda beeraha ee degmada Jagtial, “Kahor intii aan cayayaankan la keenin Hindiya, celceliska midhaha ka soo go’i jiray geed kasta wuxuu ahaa 25–28% oo keliya. Hadda, wuu kordhay ilaa 78–85%.”

Kobocan wax-soo-saarka ayaa Hindiya ka dhigay mid ka mid ah waddamada ugu waaweyn ee soo saara timirta saliidda ee Koonfurta Aasiya. Gobollada Andhra Pradesh iyo Telangana ayaa hadda ah kuwa ugu badan ee geedkan laga beero, iyadoo Kerala ay qayb muhiim ah ka tahay.

Sida xogtii 2020 lagu sheegay, timirta saliidda waxaa lagu beeraa in ka badan 1.86 lakh hektar oo dhul ah gudaha Andhra Pradesh iyo 1.12 lakh hektar oo Telangana ah, taas oo wadar ahaan ka dhigaysa 98% wax-soo-saarka dalka.