Intii aanu Nebigu (SCW) aanu u haajirin Madiina waxa uu si qarsoodi ah heshiis ula galay dad reer Madiina ah, kuwaas oo Diinta fidinteeda ka wada Madiina. Waxay ahayd qarsoodi. Heshiiskii ugu horeeyey ama Baycadii ugu horaysay waxa uu la galay lix nin oo reer Madiina ah. Waxa ahayd sanadii 11aad ee soo dirida Ras’uulka. Waxay yimaadeen Xajka, Nimanka waxa uu Nebigu Habeenimo ugu tegay Buurta Caqaba oo Mina ku taal, markii ay shirkii dhamaysteen waxa uu kula ballamay in sanadka danbe Xajka dadka Raaca ay soo kexeeyaan. Markii ay Madiina ku laabteen lixdii nin ee reer Madiina oo Islaamka qaatay waxay ay diinta Islaamka gaadhisiiyeen dadkoodii reer Madiina. Dabadeedna waxay Makka ku soo laabteen xajkii dambe oo ahaa sannadkii 12aad ee soo dirriddii Rasuulka SCW iyaga oo ah 12 nin (lixdii hore shan ka mid ah iyo toddoba cusub oo kala ah: Mucaad binu Xaarith, Dakwaan binu Cabdul Qays, Cubaada binu Saamit, Yasiid binu Thaclabah, Cabbaas binu Cubaada, Abuu Haytham binu Tiihaan iyo Cuwaym binu Saacida; dhammaantoodna waxay ahaayeen reer Khasraj labada dambe mooyaane.
Waxayna Rasuulka SCW kula shireen wakhti habeennimo ah, si qarsoodi ah, meesha la yidhaahdo Caqaba oo ku taalla Muna. Maxaa yeelay qureysh ma arki karin Nabiga SCW oo la shiraya dad Makka dibaddeeda ka yimid waayo waxay ka baqayeen in dadkaasi rumeeyaan oo uu u tago ka dibna uu Makka ku soo duulo sidii dhacday markii dambeba. Rasuulka SCW wuxuu ka qaaday 12kii nin ee reer Madiina beyco (ballan adag), wuxuuna ku yidhi “igula mubaayacooda in aydan Allaah u shariik yeelayn, wax xadayn, sineysaneyn, carruurtiina dileyn, been abuurashana samaynayn, wanaaggana igu raacaysaan”, iyaguna waa aqbaleen.
Wuxuu Rasuulka SCW ku yidhi: “haddii aad gudataan janno ayaad leedihiin, haddiise aad khiyaantaan waa la idin ka abaal marin, waxayna idiin tahay kafaaro, haddii la idiin asturo ilaa qiyaamaha amarkiinu xagga Alle ayuu ahaaday, haduu doono wuu idiin cadaabin, hadduu doonana wuu idiin dhaafin”. Iyaguna waa yeeleen oo sidaas ayay Rasuulka SCW kula mubaayacoodeen. Waxayna beycadaani waafaqsan tahay oo ay isku kalmado yihiin beycadii uu Nabiga SCW heshiiskii xudeybiya la galay dumarka taas oo ay tilmaantay suuratul-mumtaxina.
Ka dib markii beycadaas iyo ballaantaas la kala qaatay waxay Rasuulka SCW ka codsadeen inuu ku daro nin daaci ah oo inta islaamtayna islaamka bara, inta kalena dacwada islaamka gaadhsiiya. Rasuulka SCW wuxuu markay bexeen ka daba diray Muscab ibnu Cumayr oo aan hore u soo tilmaannay. Muscab madiina ayuu tagay wuxuuna ku degay guri uu lahaa Ascad ibnu Suraara oo raggii ka mid ahaa. Ka dibna isaga iyo Ascad ayaa ka hawl galay Madiina oo dacwada wada faafin jirey, marba xaafad ayeyna tegi jireen. Maalin ayey waxay yimaadeen oo ay dacwada ka faafinayeen xaafad ay degganaayeen laba reer oo la kala odhan jirey: Bani Cabdil-asham iyo Banii Dufur (oo reer Aws ahaa), geed bayna hoos fadhiisteen iyaga oo dacwadoodii gudanaya, markaasaa dadkii xaafadda degganaa ku soo urureen iyaga oo dhegaysanaya.
Ka dib iyaga oo dadkii wacdinaya ayaa waxaa arkay laba oday oo markii dambana islaamka magac weyn ku yeeshay. Labadaas nin waxa la kala odhan jirey Sacad binu Mucaad iyo Useyd binu Xudeyr aad bey u cadhoodeen markay arkeen labada nin oo dadkoodii shirinaya. Sacad ayaa markaa Useyd ku yidhi “Ascad wax kale guryahayaga waxaa uga samayn maayo ee qaraabada aan nahay ayuu og yahay ee orod Useydow u tag oo nimankaas shaqo ka qabo”. Useyd ayaa markaas ku soo dhaqaaqay isaga oo cadhaysan oo warankiisii wata. Ascad ayaa la hadlay Muscab oo ku yidhi “ninkaas soo socdaa waa odaygii ciddayada ee adigay ku jirtaa sidaad ula hadli lahayd’.
Useyd markuu meeshii yimid ayuu isaga oo cadhaysan wuxuu yidhi ‘maxaad waxa aannaan raaliga ka ahayn uga faafinaysaan guryahayaga, ma waxaad rabtaan inaad ku ciyaartaan dadkayaga wax ma garatada ah caqligooda, haddii aydan meesha ka tegin wax kale ayaad arkeysaan”. Muscab binu Cumeyr, oo ahaa nin aad u maskax badan, Rasuulka SCW uu u soo doortay arrintaa, si tartiib ah ayuu ula hadlay Useyd oo wuxu ku yidhi “ma la arkaa inaad fadhiisato oo aad i dhegaysato oo haddii ay ku anfacaanna aad qaadatid haddii kalena aan kaa tagno’, Useyd oo ahaa nin odey ah oo akhyaar ah wuxuu ku jawaabay “waayahay waan ku dhegaysanayaa”.
Muscab dacwadii ayuu gaadhsiiyey oo Ilaahay aayaatkiisii ayuu ku dul akhriyey. Useyd intii qur’aanka lagu dul akhrinayey ayuu wejigiisu is beddelay, markii aayaatkii la dhammeeyeyna wuxuu yidhi “sidee buu diintaan u soo galaa qofkii doonaya?”, Muscab wuxuu ugu jawaabay “waad soo maydhanaysaa ka dibna tawxiidkaad qireysaa”, Useydna sidaas ayuu yeelay, markuu islaamayna wuxuu yidhi “nin odey ah ayaa ila socday oo hadduu islaamo qabiilkiisa oo dhammi ay islaamayaan waana idiin soo dirayaaye la hadla”. Useyd markuu ku laabtay Sacad ayaa Sacad yidhi “ka warran meeshii”, Useyd wuxuu yidhi ‘wax dhib ah kuma arag waana la hadlay, laakiin ninka la yidhaahdo Ascad oo aad ilma habreedka ama Har wadaaga ahaydeen waxaa u dhaaranayey jilibkaagii”.
Sacad markuu intaa maqlayba wuxuu soo aaday meeshii, markuu yimidna wuxuu ogaaday in meesha wax dhib ahi ka jirin ee isaga loo soo dirayey, markaasuu ku yidhi Ascad “waxaad arrintan ug awaddo xaafadahayaga waa qaraabada aan nahay darteed sow maaha”. Muscab ayaa markaa la hadlay oo ku yidhi hadalkii uu Useyr ku yidhi oo kale, Sacadna wuxuu ku jwaabay sidi Usery u jawaabay oo kale. Markuu dhegaystay qur’aankiina wuu islaamay.
Sacad galabkii ayuu shiryey qabiilkiisii Aws oo dhan wuxuuna ku yidhi “maxaad igu taqaaniin”, waxay yidhaahdeen “waxaan kugu naqaanna wanaag iyo inaad tahay kan noogu fiican” markaasuu yidhi “haddii aydaan islaamin salaantiinnu xaaraam bay iga tahay”, halkaas ayey markaas dhammaantood ku wada silaameen rag iyo dumarba hal nin oo isna dagalkii Uxud islaamay mooyee.
Muscab ibnu Cumeyr Alle ha ka raali noqdee wuxuu halkaa ku noqday macallinkii reer Madiina, dacwadii ay halkaas ka wadeen isaga iyo Ascad dacwaduna waxay gaadhay heer aad u sarreeya ilaa ay reer Madiina badankood islaameen. Dabadeedna xajii dambe ee sannadkii 13aad ee soo diritaanka Rasuulka SCW wax yar ka hor ayuu muscab ku soo laabtay Makka isaga oo Rasuulka SCW ugu bishaareynaya islaamka reer Madiina meeshuu marayo iyo guulaha ay dacwadu gaadhay.
La soco qayta labaad…….

























