Bisha Alle Muxaram waa bil barakeysan oo weyn, waana bishii koowaad ee sanadka Hijriyada, waana bil ka mid ah bilaha xurmada leh ee uu Alle ku ku sheegay Kitaabkiisa, waxa uu yidhi: “Tirada bilaha Ilaahay agtiisa waa laba iyo toban bilood kitaabka Alle, maalintii uu abuuray samooyinka iyo dhulka, afar ka mid ahna waa kuwa xurma leh, sidaas waa Diinta toosan ee qiimeeya oo ha ku dulminina nafihiina”(Towba 36).
Bishan waxaa aad u wanaagsan in aan badino soonka maxaa yeelay wuxuu Nabigu sallallaahu calayhi wasalam si gaar ah u tilmaamay in fadliga soonka bishan uu ka khayr badan yahayay bilaha kale ee sanadka marka laga reebo bisha ramadaan waxaanu yidhi “Afdalussiyaami bacda ramadaan shahrullaahil Muxarram” “Ramadaan ka bacdi soon waxaa ugu fadli badan soonka bisha ilaahay ee Muxarram”, waxaa kale oo sharafta bishan ku tusi kara in loo tiiriyay ilaahay oo la yidhi “shahrullaahil Muxarram” wax walbana waxay qiimo iyo qadarin ku leeyihiin masdarka iyo meesha ay ka soo fulayaan.
Markii Nabigu sallallaahu calayhi wasalam uu yimi Madiino ayaa wuxuu arkay Yuhuudii oo soomaysa maalinta caashuuraa(10naad) ee bishan markii uu waydiiyay sababta ay u sooman yihiin, waxay u sheegeen in maalinkan uu Eebe ka badbaadiyay Banii Israa’iil cadawgoodii Fircoon, Nabi Muusana calayhi salaam uu soomay, markaasuu Nabigu sallallaahu calayhi wasalam yidhi “Aniga ayaa idinka mudan Muuse, markaasuu soomay in la soomana amray”. Waxaa kale oo mudan in lagu lagu baraarugo sababta uu Nabigu sallallaahu calayhi wasalam u amray in la soomo tii oo aan waliba ognahay in ay Yuhuuda u ahayd maalin ay ciidaan sida uu xusay Imaam ibn xajar waa inaanay Muslimiintu la wadaagin Yuhuuda ciidooda, maxaa yeelay hadii iyaguna ay ciidaan oo farxad, cunto iyo cayaar ay ku jiraan inagana la ina faray inaan soono maalinkaas waxaa muuqata in laba marin oo kala duwan aan marnay.
Fadliga bishan waxaa ka mid ah inuu Nabigu sallallaahu calayhi wasalam yidhi xadiith micnihiisu yahay “Soonka maalinta caashuuraa waxaa lagu dhaafaa dunuubtii sanadkii hore oo idil” Allaahu akbar waa fadli wayn oo ay haboontahay in qofkii kara aanay gafin, soon maalin qudha oo lagu gaadhayo dambi dhaaf intaa le’eg waa guul uu Eebe kor ahaayee uu u kaydshay ummada Nabi Muxammad sallallaahu calayhi wasalam. Waxaa kale oo haboon in lagu baraarugo sida ay culumadu xuseen in aan lagu kadsoomin dambi dhaafka soonka maalintan oo kale maxaa yeelay waxaa ka sii fadli iyo dambi dhaaf badan salaadaha maalin walba aan shanta jeer tukano iyo soonka bisha ramadaan, waxaana had iyo goor haboon oo waajib ah in laga tawbad keeno dunuubta kabaa’irta ah oo idil.
Nabiga sallallaahu calayhi wasalam, kadib markii loo sheegay in Yuhuuda iyo Nasaaraduba ay wayneeyaan una ciidaan maalintan waxa uu yidhi ” hadii aan gaadho sanadka soo socda waxaan soomi doonaa maalinta sagaalaad(Taasuucaa)”, si aan u khilaafno, hase yeeshee sallallaahu calayhi wasalam intii aanu gaadhin sanadki ayuu geeriyooday, waxaana halkaa ka muuqday inay sii fadli badan tahay in lawada soomo labada maalmood ee loo yaqaan taasuucaa iyo caashuuraa oo kala ah sidaan horay u xusnay sagaalaadka iyo tobnaadka ee bishan Muxarram waxaanay culumadu yidhaahdeen soomida maalinta caashuuraa waxay leedahay wajiyo kala duwan sida in la soomo maalinta 10naad oo kali ah ama in la soomo 9-laadka iyo 10-naadka, mar kasta oo maalmo dheeraad ah laga soomo bishan waxaa sii xasilaya fadaa’iisha uu nabigu sallallaahu calayhi wasalam inoogu sheegay bishan Muxarram.
Maalinta cashuura sida nasuustu dheegtay ayeynu u raacaynaa, oo Hadigii Nebiga, asxaabteenii iyo Selefka saalix ah ayeynu ka raacaynaa . Laakiin ummadaha muslimiinta sheeganaya waxa jira kuwa qaloocday oo si kale u aaminsan Cashuura. Tusaale Shiicadu waxay Yoomu cashuura u aaminsan yihiin maalin murugo oo la baroorto , waxaanay ku xusaan in ay is dilaan oo jidhkooda Sil-silado la dhacaan, madaxana Faashash. Waxay leeyihiin dilkii Xuseen Cali Binu Abii Daalib ayaa loo barooranayaa, waa la arki doonaa maalmaha soo socda iyaga oo samaynaya waa in laga feegjignaado.
Waa sawir fool xun oo laga muujiyo ummada Muslimiinta, waxaana taageera Gaalada iyaga oo bahdilaya diinta Islaamka. Qoylo kale oo iyagu Shiicada ka sii daran oo had iyo jeer la colaadtama Cali Binu Abi Daalib iyo Ehelu baytka, waxa la yidhaahdaa Nawaasib, maalmahan waxay ka dhigteen maalmo ay dabaal degaan, waxaanay ku digtaan dilkii Xuseen iyaga oo Shiicada la ficiltamaya. Allaha nawaafajiyo dhamaanteen wixii khayr inoogu jira hana naga fogeeyo sharka. Aamiin.





















