- Hala saaxiibin Bakhaylka , maalinta aad baahida u qabto ayuu ka baxsadaa
- Hala saaxiibin nacas isagoo inuu wax ku atro raba ayu uku dhibaataynay.
- Qofka khiyaamada badani, saboolnimo ayuu ku dhintaa
- Hala saaxiibin beenalaha arrin ka fog ayuu ku soo dhowaynayaa, kuna hodayaa
- Maaha qof kasta oo wax bartay inuu faahim yahay, mana aha qof kasta oo aan wax qorin inuu jaahil yahay. Imisa qof ayaa nolosha si xikmad leh u maamulay isagoo aan aqoon rasmi ah lahayn, imisa qof oo waxbartay ayaa iftiinkii lumiyey oo guryihii iyo noloshiiba burburiyey.
- Daawada xanaaqu waa aamusaanta
- Hadalkaagu maaha inuu noqdo mid la wada aqbalo, balse waa inuu noqdaa mid run ah
- Waxaan leenahay laba dhegood iyo laba indhood, iyo hal carrab, taasina waxay ina tusaysaa in aan dhageysano oo aragno in ka badan inta aan hadalno

























