Mutaqbalka Waa Dadaalka Maanta!

0
162

Markii uu sheekhu ka soo baxay muxaadarada uu jeedinayay ayuu salaamay sheekhii. Wuxu ahaa wiil yar oo 15 sano jir ah. Sheekha ayaa soo dhoweeyay waxaana uu weydiiyay magaciisa. Wiilka yar ayaa u sheegay in lagu magacaabo Khaalid.

Sheekha aya ku yidhi “ Khaalidow , codkaagu aad ayuu u wanaagsan yahay xafid Quraanka,  Allah hakaa dhigo mid ummadda codkiisa macaan ku tukiye”.

Sheekha ayaa 20 sano ka dib ku tukaday masaajid, isagoo aad uga helay Imaamkii masaajidka codkiisa, waxaan uu usoo kacay si uu ugu hambalyeeyo codka macanaa ee Allaha (sw) siiyay ee uu ku tukinayo ummadda.

Nasiib wanaag wiilka yari waaba Khaalidkii uu kula taliyay uguna duceeyay inuu Allah (sw) ka dhigo xaafid-al Quraan. Kelmadda dhiirgeinta ah ee aad qof siiso ayaa u abuuri karta qofka rajo iyo mustaqbal fiican. Dadaalka aad maanta samaysaa waa sida uu u muuqanayo mustaqbalkaagu.