Bulshada Wanaag Ku Dhex-Joog!

0
149

Nin wargeysyada Subax kasta iibsada ayaa tegi jiray Tubakaayo lagu iibiyo Jaraa’idka, si uu uga iibsado Wargeyska subaxaasi uu jeclaado. Maalin kasta waxa uu Salaami jiray Ninka Tubakaayada iska leh, laakiin Ninkaasi kama Qaadi jirin Salaanta.

Dhowr Subax markii uu sidaasi ahaa, Nin kale oo arkayay ayaa ku yidhi: “ Maalmahan waxaan ku arkayay Adigoo Salaamaya Ninka Tubakaayada  leh, isaguna kaama Qaado, ee maxaa kugu Kalifaya inaad Salaantid maalin kasta?
Iibsadaha ayaa ugu jawaabay: “Maxaa Dhibaato ah ee ku jira haddii aan Salaamo?
Ninka: Miyuu kaa Qaaday Salaanta Maalmihii hore oo dhan?
Iibasadaha ayaa ku jawaabay: “Maya”.
Ninkii ayaa Weydiiyey: haddaba maxaad u Salaamaysaa?
Iibsadaha: maxaad u Malaynaysaa, inuu iiga qaadi waayay salaanta?

Ninkii ayaa ugu jawaabay: waxaan isleeyahay waa Nin Akhlaaq Xun oo aan Istaahilin in la Salaamo.

Iibsadaha: Haddaba, aniguna markaa ma edeb xumaanta ayaan ka abrtaa , mise waxan baraa isaga edebta wanaagsan iyo dulqaadka.  Qofka dhaqankiisa waad bedeli karta markaad tusto akhlaaqda wanaagsan ee aad leedahay.