Dalka Switzerland waa dal aan lahayn Batrool iyo Gaas midna, haddana wuxu ka mid yahay kuwa ugu qanisan caalamka. Dalkani kuma tiirsana dhaqaale ahaan khayraadka dabiiciga ah waxase ay ku tiirsan yahay Maskaxda, nidaamka iyo cududa Aadamiga.
Arrimhaasi ayay ku dhistay mid ka mid ah dhaqaalaha ugu xooggan qaaradda Yurub.
Xoogga iyo awoodda Bangiyada Switzerland waa kuwa ugu aaminsan uguna qarsoodi badan caalamka.
Waxay noqdeen goobo ay maalgashadayaashu u arkaan “meel ammaan ah” iyo xarun maaliyadeed oo caalami ah.
Ereyga “Made in Switzerland” macno ahaan waa tayo iyo saxnaan.
Waxay caan ku tahay soo saarista saacadaha raaxada leh, qalabka caafimaadka, iyo mashiinnada Tayada leh.
Dalkani dhinaca waxbarashadu wuux leeyahay hal abuuro aan xad lahayn. Switzerland waxay si weyn u maalgelisaa cilmi-baadhista iyo waxbarashada.
Jaamacadaha sida ETH Zürich waxay ka mid yihiin kuwa ugu sarreeya caalamka. Sanad kasta waxay hoggaamisaa liiska dalalka ugu hal-abuurka badan.
Switzerland waa dal deggan oo dhexdhexaad ah, mana ay gelin wax dagaal ah qarniyo badan xataa labadii dagaal ee dunida saameeyay,
Xasilloonideeda siyaasadeed ayaa ka dhigtay meel ku habboon ganacsiga iyo maalgashiga Goobta ay ku taallo oo muhiim, caafimaadka, deegaan nadiif iyo nolosha oo aad u fudud ayay ku noqotay goobaha ugu wanaagsan ee caalamka lagu noolaado.
Ugu danbayn Switzerland waxay caddeysay in horumarka iyo dhaqaalaha sare aanay ku xidhnayn khayraadka dhulka hoostiisa ku jira, balse ay ku jirto maskaxda, nidaamka, iyo aqoonta.
Waa tusaale muujinaya in dal yar oo aan lahayn khayraad dabiici ah uu ku gaadhi karo xoog iyo barwaaqo fikir iyo nidaam wanaagsan.

























