Maaraynta Caqabadaha Nolosha!

0
17

Tallaabo Kasta Waa Guul

Waxaa jira dad marka ay dhibaato soo wajahdo aan markiiba ka falcelin, balse marka hore fahma sababta dhibaatadu u dhacday, kadibna raadiya xalka wanaagsan. Ma deg-degaan, sababtoo ah waxay og yihiin in go’aan lagu qaato xanaaq iyo cabsi uu mararka qaar abuuro dhibaato ka weyn tii hore.

Dad qaarkood guuldarrada waxa ay u arkaan dhammaadka safarka, halka kuwo kalena ay u arkaan cashar iyo fursad ay ka bilaabaan meel cusub. Farqiga u dhexeeya labadan qof ma aha dhibaatada soo wajahday, ee waa sida uu mid kasta u fasirtay oo uu fahmay dhibaatada.

Qaar waxay awood u leeyihiin inay kala saaraan waxa ay beddeli karaan iyo waxa aanay beddeli karin. Waxa ay xooggooda geliyaan arrimaha gacantooda ku jira, halka waxa ka baxsan awooddoodana ay ku wajahaan sabir iyo tawakal. Waxaa jira dad aan qof kasta jawaab uga bixin hadalkiisa iyo ficilkiisa. Waxay fahmeen in qof kasta oo ka xanaajiyaa aanu mudnayn inaad xasilloonidaada u burburiso. Mararka qaar aamusnaantu waa awood, ka fogaanshuhuna waa xal.

Dadka qaar marka ay dhibaato la kulmaan waxay raadiyaan cid ay eedeeyaan, halka dadka bislaaday ay raadiyaan waxa ay iyagu ka qaban karaan. Qofka xal raadiyaa wuxuu waqtigiisa geliyaa mustaqbalka, qofka eedayn raadiyana wuxuu ku xannibmaa wixii hore.

Waxaa jira dad aan guusha ku cabbirin waxa ay maanta haystaan oo keliya. Waxay eegaan halka ay ka yimaadeen, halka ay hadda joogaan iyo halka ay doonayaan inay gaadhaan. Sidaas darteed tallaabo kasta oo yar waxay u arkaan qayb ka mid ah safarkood