Warqadii Khalid Boqortoyadii Faaris
Saxaabigii Khalid Binu Walid ayaa warqad u qoray Boqorkii Kisraa ee Faaris xukumayay isagoo codsanaya inuu soo islaamo, waxaan uu ku qoray eraydan:
“ Intaa ka dib, mahad Eebbe ayey u sugnaatay, Allah burburiyey nidaamkiinna, daciifiyey xeeladdiinna, kala diray midnimadiinna, jilciyey xooggiinna, hantidii, iyo sharaftii.
Marka warqaddaydu idin timaaddo, islaama, waad badbaadaysaan, ama waxaad aqbashaan bixinta canshuurta (jizyada) oo naga hel nabad; haddii kale, waxaan ku dhaaranayaa Allah weyn, inaan idiin imaado aniga oo wata dad jecel dhimashada sida aad u jeceshihiin nolosha, oo u xiiseynaya aakhiro sida aad u jeceshihiin adduunka.”
Markii Kisraa (boqorkii Faaris) akhriyey warqadda, wuxuu farriin u diray Boqorkii Shiinaha isagoo ka codsanaya taageero iyo gargaar ciidan oo iskaga difaaco ciidanka Khalid hogaaminayo.
Boqorkii Shiinaha ayaa ugu soo jawaabay:
“Boqor, annagu ma lihin awood aan kula dagaallano dad haddii ay doonaan in ay buuraha ridaan, burburin kara.”. Buugga Taariikhi Al-Dabari

























