UEFA VS Real Madrid iyo Barcelona! Dagaalkii Super League oo Cirka Isku Shareeray!

0
45

Doodda dheer ee u dhexeysa hay’addaha maamula kubadda qaaradda Yurub, UEFA, iyo mashruuca Super League oo ay si xooggan u taageeraan Real Madrid iyo Barcelona, wali waxay ka mid tahay mowduucyada ugu hadal-haynta badan kubadda cagta Yurub. Mashruuca Super League waxaa markii ugu horeysay la soo bandhigay 2021, iyadoo 12 kooxood ay taageersanaayeen. Balse kadib culeys xooggan oo ka yimid taageereyaal, ciyaartooy, tababareyaal iyo hay’ado ciyaareed oo hormuud ay u tahay UEFA, mashruucaasi si degdeg ah ayaa loo baabi’iyay. Hadda, Madrid iyo Barcelona ayaa weli ah labada kooxood ee si furan u riixaya hirgelinta Super League, halka UEFA ay si cad u diidan tahay, inkasta oo ay la yeesheen dhowr kulan wadahadallo. Inta lagu jiray kulamadaasi, Madrid iyo Barcelona waxay UEFA u soo jeediyeen in magacyada tartamada hadda jira aanan la beddelin sida Champions League, Europa League, Conference League, laakiin qaab-dhismeedka tartamada dib loo habeeyo. Soo jeedinta waxay ahayd in: Kooxaha weli ka soo baxaan horyaalada waddamada sida hadda. Tartanka lagu kala qeybiyo 36 koox, oo loo kala saaro 2 qeyb kooxood oo 18-18 ah. La ciyaaro 8 kulan oo Swiss-format ah, kadibna la galo wareegyada bug baxa. (knockout). War cusub oo ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Madrid ayaa si weyn u taageertay dhanka Super League, iyadoo UEFA lagu eedeeyay inay adeegsatay awood ka badan xadka, taas oo Real Madrid u furtay waddo ay ku dalbato magdhaw afar sano ka dib markii mashruuca la baabi’iyay. Arrintan waxay sii ballaarisay kala fogaanshaha labada dhinac, waxaana la filan karaa in murankaasi mar kale maxkamadda dib ugu laabto.