Joe Cole oo Shaaciyey Caqabadda Dhabta ah ee Chelsea Hortaalla

0
49

Xiddigii hore ee Chelsea, Joe Cole, ayaa sheegay in kooxdu ay u baahan tahay inay bartilmaameedsato hanashada koobab ka waaweyn kuwii ay qaadeen xilli ciyaareedkii hore. Chelsea ayaa xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay Europa Conference League iyo FIFA Club World Cup, laakiin Cole wuxuu tilmaamay in koobabkan aannay miisaankooda la mid ahayn Premier League, FA Cup, Champions League, ama xitaa Carabao Cup. Markii la weydiiyay waxa loo aqoonsan karo xilli ciyaareed guul ku dhammaaday, Cole wuxuu ku jawaabay in Chelsea ay khasab tahay inay sannadka dambe ku guuleysato mid ka mid ah koobabka waaweyn. Joe Cole ayaa u sheegay Paddy Power isagoo yidhi “Tani waa sannadkii afraad ee mulkiilayaasha cusub. Waxaa jira laba koob oo la qaaday, laakiin waa koobab cusub oo aan miisaankooda la mid ahayn horyaalka, FA Cup-ka, Champions League-ka ama xitaa Carabao Cup-ka.” Cole ayaa intaa ku daray in taageerayaasha Chelsea ay xilli ciyaareedkan filan karaan oo kaliya in kooxda Enzo Maresca ay si raaxo leh ugu dhammaysato meelaha sare, in ay mar kale u soo baxaan Champions League. Balse wuxuu sheegay in Chelsea aanay weli diyaar u ahayn inay la tartanto Arsenal, waxaanu yidhi  “Ma aaminsani in kooxda maanta jirtaa ay aad u xoog badan tahay si ay Arsenal ula tartanto. Horyaalka ma qaadi doonaan.” Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu xusay “Xilli ciyaareedka soo socda waa inay bilaabaan hanashada koobabka waaweyn, sababtoo ah markaas waxay noqonaysaa shan sano oo mashruucan ah.”

Chelsea ayaa maanta oo Sabti ah ku soo laaban doonta Premier League iyagoo booqanaya Tottenham Hotspur Stadium, halkaas oo ay kula ciyaari doonaan Tottenham oo kaalinta saddexaad ku jirta.