Mo Salah Oo Hadal Aan La Fileyn Ka Yidhi Liverpool Kadib Guushii Villa!

0
67

Xiddiga Liverpool Mohamed Salah ayaa hadlay kadib markii kooxdiisu 2-0 ku garaacday Aston Villa kulankii wareegga 10-aad ee Premier League. Salah ayaa yidhi “Waxaa aad muhiim noogu ahayd inaan guul gaadhno maanta. Waxaan luminnay dhowr ciyaar oo Premier League iyo Champions League ah. Waxaan ku faraxsanahay inaan dib ugu soo laabannay wadadii saxda ahayd, guushanina waxay na siineysaa dhiirigelin weyn ka hor kulamada waaweyn ee nagu soo aaddan.” Mar la weydiiyay xaaladda Liverpool xilli ciyaareedkan, Salah wuxuu ku jawaabay, “Xilli ciyaareedkan wuu nagu adkaa sababtoo ah waxaa kooxda kusoo biiray ciyaartooy cusub. Waa ciyaartooy aad u wanaagsan, laakiin waxay u baahan yihiin waqti inay kula qabsadaan kooxda. Waxaan sidoo kale luminay ciyaartooy muhiim ah, sidaas darteed waa inaan isku fahannaa qaab ciyaareedka mar kale. Laakiin wax walba way hagaagi doonaan.” Ugu dambeyntii, Salah wuxuu ka hadlay gaadhista goolkiisii 250-aad ee uu u dhaliyo Liverpool, waxaanu yidhi: “Waa dareen aad u gaar ah in aan gaadho tiradan goolasha iyadoo aan u ciyaarayo koox weyn sida Liverpool. Arrintan ma u arko wax caadi ah. Aad ayaan ugu faraxsanahay oo ugu faanayaa guushan.”