“Xoolaha oo Laf-Dhabar u ah Qaranka: Maxaa Mustaqbalk a u Diyaar ah Reer Guuraaga?”

0
92

Barnaamijkeenna maanta, waxaynu diirada ku saari doonaa doorka reer guuraaga xoola dhaqatada Somaliland iyo xuska maalinta qaran ee reer guuraga oo ay wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyigu 27 October manaasibad loogu dabaaldagayo ku qabatay magaalada Baleygubadle ee xarunta gobolka Hawd. soo saaraha barnaamijkuna waa anigoo ah Wariye C/wahaab Daahir Xasan.

 

Dadka xooola dhaqatada reer Somalialnd ee ku nool deegaanada iyo gobolada kala duwan ee jamhuuriyadda Somaliland waxa lagu tiriyaa isha dhaqaale ee ugu wayn Somalialnd madaama wadankeenu waxa ugu badan ee uu dalka dibadiisa u dhoofiyaa ay tahay Xoolaha Nool.

Marka la joogo gobolada bariga Somaliland dadku waxay u badan yihiin dad reer guuraa ah oo xoolaha u rara hadba halka ay ka helayaan Biyo iyo Baad mana ah dad ku fiican falashada ama qodashada beeraha taasina waa ta keentay inay hadba meel xoolahahooda ula guuraan.

Balse deeganada ama gobolada galbeedka Somaliland sidaasi noloshooda xoola dhaqato waa ka duwan tahay oo waa dad caadiyan ah xoola dhaqato beeralay macnaha maguur guuraan inta badan halka ay dagan yihiin ayey kala soo baxaan Cunno iyo calaf xoolaad, marka kaliya ee ay guuraana waa haddii ay dhacdo abaar aad u daran oo ay ka dhamaadaan kaydadkii calafka xoolaha ay u dhigeen dhamaadaana Balayada iyo Baraagihii ay xoolaha ka waraabin jireen.

Haddaba inta aynaan u galin maalinta qaran ee reer guuraaga Somaliland oo ah halka aynu u socono isla markaana barnaamijkeena xoolaha iyo horumarinta reer miyiga aynu dul istaagno macnaha guud ee Erayga Reer Guuraa iyo halka uu salka ku hayo.

Ereyga “Reer guuraa” wuxuu tilmaamayaa bulshada Soomaalida ee aan degganayn meel kaliya, balse si joogto ah u guurta iyadoo raacaysa daaqa iyo biyaha xoolahooda. Waa qayb muhiim ah oo ka mid ah nolosha iyo dhaqanka Soomaalida.

Macnaha Reer Guuraa” Reer guuraa” waa dad xoolo dhaqato ah oo nolol-maalmeedkoodu ku tiirsan yahay xoolaha sida geel, adhi iyo lo’. Ma laha deegaan joogto ah, balse waxay guuraan xilli roobaadka iyo abaaraha si ay u helaan cunto iyo biyo xoolahooda u fiican.

Munaasibad ay soo agaasintay wasaaradda xanaanada xoolaha iyo orumarinta reer miyiga Somaliland ayaa waxa loogu dabaal dagay Maalinta Heer Qaran ee Reer Guuraaga oo markii ugu horeesay lagu qabtay Magaalada Bali-Gubadle ee xarunta gobolka Hawd.

Inkastoo isbadalka cilmiladu oo saamayn wayn ku yeeshay noloshada reer guuraaga iyo guud ahaan nolosha miyiga waxa biyo kama dhibcaana in guud ahaan nolosha magaaladu ay si toos ah ugu tiirsan tahay miyiga.

1: Saamaynta Isbeddelka Cimilada ee Nolosha Reer Guuraaga Somaliland

Abaaro soo noqnoqda iyo roob yari: Sanadihii u dambeeyay, Somaliland waxa ay la kulantay abaaro soo noqnoqda oo ka dhashay roobabkii oo da’aya daahsan ama aan degganayn.

Taas waxay keentay in daaqii iyo biyihii xooluhu ku tiirsanaayeen yaraadaan, waxa ka dhalatay  dhimasho xoolo iyo hoos u dhac dhaqaale.

Khasaaraha xoolaha iyo hoos u dhaca wax-soo-saarka: Xooluhu waa hantida ugu weyn ee reer guuraaga, balse abaaraha iyo cudurrada la xidhiidha cimilada sida qalal, jadeeco, iyo gaajo xoolaad ayaa sababay in boqolaal kun oo neef la waayo.

Tani waxay si toos ah u saamaysay cuntada, caafimaadka, iyo awoodda wax iibsiga ee qoysaska reer miyiga.

Isbeddel ku yimid dhaq-dhaqaaqa reer guuraaga: Meelihii hore u ahaa daaqsimeedka xoolaha ayaa qalalay, taasoo sababtay soo guuritaan joogto ah Waxaa sidoo kale kordhay magaalo u guurista sababtoo ah dad badan ayaa u soo hayaamay magaalooyinka si ay shaqo ama gargaar u helaan, maxayeelay haddii dadka dadka reer guuraaga ah ay xooluhu ka baxaan waxa adkaanaysa sii joogi taanka miyiga waana inuu soo galaa magaalada siu u nolol cusub halkaasi uga raadsado.

  1. Xalka Lagu Xakameyn Karo Saamaynta Cimilada iyo Lagu Kordhin Karo Wax Soo Saarka Calafka Xoolaha

Horumarinta iyo kaydinta calafka deegaanka

Waxaa muhiim ah in la beerro dhir daaqsimeed sida Sudan grass, Lablab, iyo Alfalfa, kuwaas oo biyo yar ku baxa, In la sameeyo kaydin calaf (hay storage) si xilliyada abaarta loo isticmaalo, In la dhiirrigeliyo beerista dhir adag oo deegaanka ku habboon (drought-resistant species).

Maareynta biyaha iyo dhismaha ceelal waara

ladagaalanka isbadalka cimilada ayaa waxa muhiim ah in la dhiso ceelal biyood, balliyo iyo barkado lagu kaydiyo biyaha roobka, In la adeegsado tiknoolajiyada biyaha lagu keydiyo sida sand dams iyo sub-surface dams.

Tababar iyo wacyigelin ku saabsan maaraynta xoolaha

Reer guuraaga waa in la siiyo tababaro ku saabsan daryeelka xoolaha, qorsheynta daaqa, iyo habka loo kaydiyo cunto iyo biyo.

In la dhiirrigeliyo adeegsiga daawooyinka iyo tallaalada xoolaha si looga hortago cudurrada ka dhasha cimilada kulul.

Reer guuraaga waa in lagu dhiirrigeliyo in ay yeeshaan ilaha dhaqaale ee kale sida beeraha yaryar, farsamada gacanta, ama ganacsiyada maxalliga ah, Tani waxay yareyn kartaa ku-tiirsanaanta keliya ee xoolaha.

Siyaasado iyo qorshayaal dowladeed oo waara

Dawladdu waa in ay dejisaa xeer iyo qorshe qaran oo la dagaallama isbeddelka cimilada, kaas oo diiradda saaraya deegaanka miyiga, Waxaa kale oo muhiim ah in la xoojiyo hay’adaha cilmi-baadhista ee la socda xaaladda cimilada iyo daaqa.

23 october ayaa waxa magaalada Balay-gubadle ee xunta u ah gobolka hawd waxa lagu qabtay maalinta xuska heer qaran ee” Reer guuraga Somaliland” munaasibad ay soo agaasintay wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir Cumar Shucayb Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay maadaama xoolaheenu ay yihiin lafdhabarta dhaqaale ee bulshada Somaliland tiradada dadka duniduna ay sii kordhayso in wakhti dhaw suurtogal ay tahay in dadka magaaladu dib ugu noqdaan nidaamkii xoola dhaqatada ee miyiga.

“Maadaamoo Xoolaheenu Laf-Dhabarta Dhaqaale ee Waddankeena yihiin, Aduunyaduna Sii korayso Waxaad arki doontaa wakhti dhaw, iyadoo loo tartamayo Xoolaha oo dib loogu noqonayo” Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Cumar Shucayb Maxamed.

Wasiir Cumar Shucayb ayaa tilmaamay sida isku xidhnaan ay sameeyeen Wasiirka, Wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud intii ay hayeen hogaaminta wasaaradda ay keentay gaadhsiinta 56 goobood adeega caafimaadka xoolaha iyo sidoo kale adeegyada kale ee wasaaraddu qabato.

Dr, Adna Aadan Ismaaciil oo ka hadashay maalinta qaran ee xuska reer guuga Somaliland oo lagu qabtay magaalada Baligubadle waxa ay sheegtay haddi ay xooluhu Meesha ka baxaan sida aanay magaaladu dadka uwada qaadayn, waxa kale oo intaasi ku dartay inay laga maarmaan tahay ilaalinta xoolaha oo ah lafdhabarta dhaqaale ee Somaliland.

“waxan doonayaa ina aan is xasuusino, jiilka inaga dambeeya hadaynaan hambo u dhigin jirimayno, waxan ahay hooyo aad u qushuucsan waxan ahay Hooyo aad u faraxsan. Halkaa maynaan soo gaadhneen hadaynaan reer miyi lahayn, hadaynaan deegaan lahayn, hadaynaan Cad, Caano iyo Caleen lahayn”sidaasi waxa tidhi Dr Adna Aadan oo ka hadlaysay kaalinta ay reer miyigu inuugu jiraan.

Dr Adna ayaa tilmaantay in dad kii hore ay dhawri jireen dhirta oo aanay jari jirin waxana ay sheegtay in dadkaasi ogaayeen qiimaha uu jiritaanka geedku u leeyahay xoolaha balse markii ay soo baxeen ama la yeeshay Gudinta, Miishaarta iyo Gaadiidka waxa ugu horeeyey ee la garaacay ama la gooyey uu noqday dhirta oo ah mid si wayn loo ilaaliyo dunida oo dhan.

 

Muna Cali Haybe oo ah gaasimaha waaxda horumarinta reer miyiga ayaa waxay ku doodaysaa maadaama saamaynta isbadalka cimiladu saamayn wayn ku yeeshay Somaliland iyo guud ahaan caalamka oo dhan ay waxbadani yaraayeen haatana aanay suuragal ahayn nidaamkii hore ee ahaa reer guuragaa oo xoolaha loo dhaqi jiray anaay wakhti xaadirnkan suurto gal ahayn loona baahan yahay in loo guuro xoola-dhaqato Beeralay.

Gabogabadii

Reer guuraagu waa laf-dhabarta dhaqaale ee Somaliland, maadaama xooluhu yihiin waxa ugu badan ee dalka dibaddiisa loo dhoofiyo, gaar ahaan geel, lo’ iyo adhiga oo ay ku tiirsan yihiin nolol maalmeedka bulshada miyiga ku nooli. Deegaanka bariga Somaliland waxa uu ku badan yahay qaab-nololeedka reer guuraaga oo hadba u hayaama halka ay ka helaan daaq iyo biyo, halka gobollada galbeed badankoodu noqdeen xoolo-dhaqato beeraley ah oo calaf iyo cunto ka soo saara dhulkooda, kuna guura oo keliya marka ay dhacaan abaaro baahsan. Inkastoo reer guuraagu yihiin astaanta dhaqanka iyo dhaqaalaha dalka, haddana isbeddelka cimiladu waxa uu si weyn u saamayn ku yeeshay noloshooda, iyada oo abaaro soo noqnoqday ay hoos u dhigeen wax-soo-saarkii xoolaha isla markaana sabab u noqdeen in dad badan u hayaamaan magaalada si ay nolol kale u raadsadaan.

 

Munaasibaddii heer qaran ee loo asteeyey maalinta reer guuraaga oo lagu qabtay magaalada Bali-gubadle, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cumar Shucayb iyo masuuliyiin kale waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimada ilaalinta xoolaha, kobcinta dhaqaalaha miyiga, iyo baahida loo qabo in la horumariyo kaydinta calafka, dhismaha ceelal waara, iyo tababarka daryeelka xoolaha. Waxa kaloo lagu xusay in mustaqbalka dalka uu ku xidhan yahay awoodda lagu ilaalin karo nidaamka xoolo-dhaqashada oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha, iyadoo loo baahan yahay in bulshada reer miyiga loo dhiirrigeliyo isku darka xoolo-dhaqashada iyo beeraha si loo yareeyo ku-tiirsanaanta keliya ee xoolaha. Madaxda iyo khubarada goobta ka hadashay waxay tilmaameen in haddii xooluhu yaraadaan, ay adkaanayso nolosha magaalooyinka oo si toos ah ugu tiirsan wax-soo-saarka miyiga.