Waxa jirtay qisada, Tuulo yar oo uu degenaa nin beeraley oo haystay Faras Gaboobay oo ka caawin jiray qodista Beerta. Maalin ayuu Faraskiisu ku dhacay ceel aan biyo ku jirin oo engagay oo beerta ka qodnaa lagana maarmay. Farsaka ayaa bilaabay inuu aad u ciyo si loo badbaadiyo.
Ninka Beerlayda ah ayaa isku deyay inuu badbaadiyo laakiin waa uu ku guul darsatay arinkaasi. Ka dib ninkani waxa uu go’aansaday inuu ceelka iska aaso madaama aanu biyo lahayn, isla markaana Faraska gaboobayna mar haddaanu hawl qabnayan uu ku aaso .
Ninka beeralayda ah iyo jaarkiisa ayaa bilaabay inay ceelka ku guraan ciid si ay u aasaan isagoo farskuna ku jiro, laakiin Farasku marka kasta oo ciiddu ku dhacdo kor ayuu ugu soo boodo ciidda dusheeda. Ugu danbayn iyagoo weli ciidda ku guraya ayuu Faraskii si tartiib- tartiib ah uga soo baxay ceelkii. Faraskuna tallaabo kasta oo uu kor u boodaya waxa ay noqotay midda badbaadisay.
Xikmaddana qisadanu waa : Nolosha, dadku mararka qaar wax ay kugu tuuraan “ciid” oo ah ereyo dhaawac kugu keenaya iyo leh xaalado kale oo adag. Laakiin haddii aad barato sida aad kor ugu kacayso, waxaad ka bixi kartaa ceel kasta oo inta aad noshahay lagu daboolayo.
Caqabad kasta waxay noqon kartaa tallaabo aad kor ugu sii kacdo haddii aad wajahdo adkaysi iyo niyad adag.

























