Todobaadkan Barnaamijka Arrimaha Bulshada waxaynu ku eegi doonaa Hargeysa oo ka guuri doonta dhibaato wayn oo ka haysatay dhanka isu socodka Caasimada, Muddo badan ka dib Hargeysa ayaa waxa ka yaraan doona culayskii dadka iyo Gaadiidkuba ay ku qabeen inay maraan hal Biriish oo kaliya kaas oo lagala kulmi jiray habsan iyo jam badan gaar ahaan xiliyada dadku u socdo shaqooyinka waxbarashada iyo hawlaha kale ee daruuriga ah, sidoo kale xiliga Roobabku da,ayaan ayaa dadku aad ugu dhibtoon jireen inay isaga gudbaan labada daraf ee dooxa Hargeysa iyada oo culayska oo dhan uu ku dhici jiray Biriishka qadiimka ah ee Hargeysa oo la dhisay Sannadkii 1968.kii balse Hargeysa ayaa mar kale heshay Biriish labaad kaas oo ah Biriishkii hore loo odhan jiray Biriish liicliic hadase ah biriish kale oo Caasimada ka qafiifiyey Culayskii jiray waloow aanu ku filaan.
Hadda Casimada Hargeysa ayaa u muuqata inay ka baxayso dhibaatooyinkaa aynu soo sheegnay waxana hadda dhamaad ku dhawo oo dhawaan la furi doonaa labada Biriish oo cusub kuwaas oo kala ah midka ku beegan Fooqii dhawaanta la dumiyey ee Jajabka iyo midka kale oo ah Biriishka 4.aad ee Caasimadda Hargaysa kaas oo daamurkii la saaray oo waddada cusub ee biriishka.
Biriishkan waxa uu si fudud isugu xidhayaa labada Degmo ee Maxamed Mooge iyo Degmada Axmed Macalin Haaruun Waxana maalgalinaysa Shirkadda Wadaniga ah ee Dahabshiil.
Dawlada Hoose ee Hareysa iyo Maayirka Caasimadaa ayaa iyaguna ku amaanan inay tacab badan galinayaan sidii caasimadu u heli lahayd Wadooyin iyo Biriishyadan oo ay qayb ka yihiin hawshooda iyaga oo aan ka seexan marna shaqada ay shacabka u hayaan sida uu sheegay Abadikariin cali aydiid “Shaqadii aanu bilownay salaadii subax kadib waxay noogu dhamaatay si wanaagsan waxaana gacan nasiiyey dadkii halkan aanu ka rarnay”Agaasimaha suuqyada ahna gudoomiyaha Gudidii bannaynta waddada fooqa jajabka
Geesta kale qaar ka mida Dadka shacabka ah ee mara goobaha laga dhisayo Biriishkan ayaa u sheegay Dawan “Goobtan aynu taaganahay waxay ahayd meel aad u dhib badan oo caqabado badan ku haysay dadka degen Koonfurta Hargeysa iyo dadka kale ee degen Magaalada Hargeysa taas oo ay noogu darnayd xiliyada Roobku da,aayo oo runtii qofka xagaa ka yimaada ama suuqa ka baxaaya ay saacado badan ku qaadan jirtay dadkaas inay geesta kale u talaabaan”. Maxamuud xasan
“magacaygu waa Xalwo dheer Hooyo waxaan halkan mari jiray mudo dheer oo ilaa 25 sanno ah waxaan ka shaqeeya suuqa waxaanan degenahay xaafada Calaamadaha waxa na haystay dhibaatooyin badan haddaanu raacno baska waxaanu galaan jam iyo kuyuu dheer xiliyada subixii ee aanu shaqo tagayno haddii aanu iska lugayno Iyana waa dhib kale oo waxaad ka baqaysaa inaad la kulanto tuugo iyo xabaglayaal marka aad ka talaw is tidhaa Dooxa Hargeysa habeenkii oo kale iyada lamaba mari karo oo naftaada iyo hantidaada labadaba waad u baqaysaa, markaa Alle ayaa mahad iska leh haddii caasimadu yeelato Biriishyo kale waxa daboolmaya dhamaan dhibaatooyinkaa aan kaaga soo sheekeeyey sidoo kale waxaan Hooyo u mahadcelinayaa Maayirka Hargeysa iyo Golahiisa deegaanka oo aan hore loo arag Gole la mid ah iyo Maayir u hagar baxa Magaaladan oo ah mid Balaadhan.:
Hooyo Xalwo waxa ay intaa ku dartay “Anniga laftayada sanadkii hore waxaan halkan kala kulmay tuug dhaliinyaro ah oo goor bacda maqrib ah I helay kuwaas oo iga qaaday moobilkii iyo xooga yar oo lacag ah oo aan kala soo caraabay suuqa in kasta oo aanan dhibaato nafeed la kulmin oo ay yaaceen markii ay intaa iga qaadeen hadana Alxamdulillaah nabad qab ayaan ku tagay Gurigaygii”.
Cabdirashiid Ibraahim waxa uu ka mid yahay Darawalada hargeysa ayaa isna ii sheegay in aad ugu faraxsanyihiin in magaaladu hesho Biriishyo kale oo aad loogu baahnaa isaga oo intaa ku daray “mararka qaar marka Roobku jiro waxaanu suuqa ilaa xagan maxamuud Haybe ama xaga masalaha u kala soconaa wakhti dheer waxaan rajaynayaa in dhibtaa laga bixi doono marka la furo Biriishyadan cusub”.
Ugu dambayn Hargeysa ayaa ka bixi doonta mushkuladihii xaga isu socodka iyo jaamkii badnaa ee habsaamin jiray shaqaalaha Ardayda oo iyagu dhibaato ku qabay maritaanka hal biriish oo ay buux dhaafiyaan gaadiidka tirade badani,
Sidoo kale hirgalinta Biriishyadan cusub ayaa noqon doona kuwo sare u qaadi doona bilicda iyo quruxda magaaladan Buuruhu ku hareeraysanyihiin ee Hargeysa oo haatan ku socota Hormar balaadhan iyo dib u dhis casiriya.






















