Wasaaradda Waxbarashada oo Qabatay Bandhigga Hal-Abuurka Waxbarashada Dugsiyada Dhaqaalaha Guriga

0
74

Qore.Khadar Maxamud Cismaan.

 

Barnaamijka Waxbarashada Wargeyska Dawan toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa

Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska oo qabatay bandhigga Hal-Abuurka Waxbarashada Dugsiyada Dhaqaalaha Guriga:

 

Wasaaradda Waxbarashada gaar ahaan Waaxda Waxbarashada Dadban ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa qabatay  bandhig hal-abuur ah oo lagu dhiirrigelinayo waxbarashada dugsiyada dhaqaalaha guriga, bandhiggaas oo uu   ka soo qaybgalay  Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta iyo Sayniska Prof.Ismaaciil Ducaale Yuusuf  iyo Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada

Barbaarinta iyo Sayniska Maxamed Yuusuf Ibraahim Faacuul   ku simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada, maamulka iyo macalimiinta dugsiga dugsiyada dhaqaalaha guriga iyo masuuliyiin kala duwan.

Bandhigga ayaa lagu soo bandhigay hal abuurka wax soo saarka dugsiyada dhaqaalaha guriga.

 

 

 

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Prof.Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa ku boogaadiyay dhaqaalaha guriga waxyaabaha ay soo bandhigeen, isagoo ku boorriyay in la xoojiyo aqoonta guud ee bulshada iyo farsamada gacanta.  Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu casriyeyn doonto manhajka waxbarashada dhaqaalaha guriga, isla markaana ay fidin doonaan goobaha lagu barto xirfadahaas, si qof walba loo siiyo fursad waxbarasho oo ku habboon baahiyihiisa.Waxaana uu yidhi”Waxa aan rejaynayaa in carwo tan ka wayn oo aynu ku soo bandhigno farshaxan nimadeena iyo aqoonteena aynu samayn doono.isla,markaana dugsiyada iyo Macalimiinta usoo diyaargaroobaan,markaa aad ayaan idiinku boogaadinayaa.waa waxyaabaha aynu doonayno in aynu dib usoo celino hadday tahay cuntooyinkii kala duwanaa.oo aad moodo in aynu cuntooyin kale la qabsanayno,”.

 

Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Dadban Umalkhayr Xasan Xuseen ayaa sheegtay in ujeeddada barnaamijkan ay tahay kor u qaadista iyo dhiirrigelinta waxqabadka dugsiyada dhaqaalaha guriga, si loo muujiyo natiijada shaqadooda iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarinta waxbarashada bulshada.

 

Agaasimaha waaxda Tayo-dhawrka ee Wasaarada Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska  Maxamed sidoo kale Cumar Ismaaciil  ayaa ku amaanay Dugsiyada dhaqaalaha guriga xirfadan ay soo bandhigeen.Waxaana uu yidhi”Waxa aan idinku hambalyaynayaa xirfadan aad soo bandhigteen, waaxdani waxa ay salka ku haysaa in hooyadda la baro akhrista  iyo xisaabta iyo xirfadan aad soo bandhigteen,”.

 

Bandhiggan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu dhiirrigelinayo waxbarashada dadban iyo horumarinta xirfadaha gacanta ee bulshada, taas oo door weyn ka qaadan doonta kobcinta aqoonta iyo shaqo-abuurka mustaqbalka.