Suudaan: Dad Joogay Goob Tacsi Ah Oo Duqeyn Diyaaradeed Lagu Dilay

0
68

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Daroones-ka ayaa bartilmaamedsaday goob uu aas ka dhacayay bannaanka magaalada Al-Ubeyd ee ku taal waqooyiga Suudaan ee gobolka Kordofan, ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay sida ay sheegeen saraakiil iyo qareeno. Dadka baroor-diiqayey oo isugu soo ururay teendho, ayaa sheegay in weerarkii Sabtidii ay fuliyeen ciidamada RSF. Kooxda ayaan wali ka hadlin. Dad badan ayaa dhintay ka hor inta aan la gaarin isbitaalka magaalada istiraatiijiga ah ee Al-Ubeid, taasoo isku xidha caasimadda Khartoum iyo galbeedka Darfur. Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo ka dhacay gobolka Kordofan ee qaniga ku ah saliidda.
Ku dhawaad 20,000 oo qof ayaa u qaxay dhanka Al-Cubeyd kadib markii ciidamada Suudan ay qabsadeen magaalada Bara oo 30km dhanka waqooyi kaga beegan Al-Cubeyd todobaadkii hore.
Magaaladu waxa ay gacanta u gashay RSF isla wakhtigii ay qabsadeen El-Fasher taas oo ahayd fariisinkii ugu dambeeyay ciidamada ee Darfur.
Wixii markaas ka dambeeyay, dil wadareed, xadgudub galmo, afduub iyo bililiqo ballaaran ayaa lagu soo waramayaa inay ka geysteen el-Fasher ciidamada RSF.
Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada Suudaan ay dad rayid ah ku dileen magaalada Bara.