“Xoolo Dhaqatada oo La Il-daran Abaaraha Soo Noq-noqday”

0
75

Barnaamijkeena dhaqashada xoolaha  ee todobaadkan waxaynu ku soo qaadanaynaa.,xaaladdaha nololeed ee dad iyo duunyaba ay ku keenaan abaaraha soo noqnodqay ee saamaynta ku yeeshay xooladhaqatada reer Somaliland.

 

Sannadihii u dambeeyay Gobollada bariga iyo Galbeedka  Somaliland ayaa wajahay xaalad abaar oo aad u daran, ka dib markii uu baaqday roobkii Dayrta, halka roobkii Gu’gana aanu si buuxda uga da’in dhulkaas. Nolosha dadka iyo xoolaha ayaa noqoay  mid aad u adag, waxaana muuqda in xaaladdu kasii darayso maalinba maalinta ka dambaysa,haddii aan Ramxaadka ALLE inoo shubin.

Biyaha oo yaraaday, daaqii oo go’ay, iyo xoolihii oo tamar-gabay ayaa sababay in dadkii reer guuraaga ahaa ay bilaabaan hayaan waqti adag ah oo ay naf iyo nolol ugu raadinayaan dhulal kale oo ay u guuraan  iyagoo is leh  waxaad ka heli kartaan biyo iyo baad aad dad iyo xoolaba aad ku bad-baadi kartaan.

Deegaanada bariga Somaliland, oo si weyn ugu tiirsanaa xoolo-dhaqashada, ayaa hadda noqday dhul ay nolol adagi ka taagan tahay. Qoysas badan ayaa ka  hayaamay  deegaanadoodii   una gudbay sida deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo buuraha dhaadheer ee gobolka Sanaag.

Hayaanku maaha mid fudud. Dadka nugul iyo xoolaha jilicsan ayaa lagu daadguraynayaa baabuurta waaweyn ee xamuulka qaada, si loo gaadhsiiyo meel ay ka heli karaan biyo iyo baad. Laakiin dhibaato cusub ayaa halkaas ka dhalatay taas oo ah lacagta lagu kireeyo baabuurtaas ayaa noqotay mid qaali ah, isla markaana dad badan u diiday fursad ay kula guuraan xoolahooda abaartu ku saamaysay ama ku habsatay.

Xilliga Dayrta oo gabagabo ku dhow iyo xaaladda oo kasii daraysa ayaa dadka gelisay cabsi nololeed oo xooggan waxaana ay dadku haatan ka cabsi qabaan hadaan raxmaadka Alle oo ah waxa kaliya ee dad iyo duunyaba deeqa hadaan hore loo helin inay xaaladu ka sii dari dooonto.

Badanaa dadka deegaanada miyiga ee bariga Somalland ayaa lagu tiriyaa inay yihiin dad reer guuraa ah oo aan dhinaca wax soo saarka beeraha ku fiicnayn, waxanay u badan yihiin dad  xoola dhaqato ah oo reer guuraa ah isla markaana dega marba halka ay xoolahoodu ka helayaan biyo iyo baad.

Fadhigii 40-aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Cumar Shucayb Maxamed, ayaa warbixin dheer ka jeediyey taasi oo ku aadanayd xaaladda abaarta iyo saameynta ay ku yeelatay xoolaha dalka gaar ahaan gobolada bariga Somaliland.

Wasiirku wuxuu sheegay in “Abaaraha soo noqnoqday ay si weyn u saameeyeen caafimaadka, tirada iyo awoodda wax-soo-saarka xoolaha dalka, gaar ahaan gobollada bariga iyo hawdka.”

Wuxuu tilmaamay in isbeddelka cimiladu uu sababay in miisaankii xooluhu uu hoos u dhaco, tarankoodii uu yaraado, cudurada nafaqo-darraduna ay sii bataan.

Cumar Shucayb Maxamed ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo hirgeliyo Qorshe Qaran oo lagu badbaadinayo nolosha xoolaha iyo dadka reer miyiga, isagoo xusay in xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka.

Abaarta joogtada noqotay waxay muujinaysaa in isbeddelka cimiladu uu si dhab ah u taabanayo Somaliland. Nolosha reer miyiga iyo dhaqaalaha xoolo-dhaqashada ayaa u baahan qorshe cusub oo waara mid isku dara ilaalinta deegaanka, kaydinta biyaha, iyo dhisidda kaabayaal dhaqaale oo joogto ah.

Haddii aan tallaabo la qaadin, waxaa suurtagal ah in sannadaha soo socda ay Somaliland wajahdo hoos u dhac dhaqaale iyo barakac baahsan oo aan hore loo arag oo ka yimaad dhinaca xoolaha maadaama xoolaha Somaliland lagu tiriyo inay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha Dalka.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag  Iyo Maamulka Degmada Ceel-afweyn ayaa guddiga abaaraha heer qaran kala wareegay 220 Booyadood oo biyo ah kuwaas oo la doonayo in la gaadhsiyo dadka ay abaarto ku dhufatay ee ku dhaqan gobolka sanaag.

Gudoomiyaha gobolka sanaag ayaa sheegay “waxana soo gaadhay 220, 45 ka mid ah waxaan ugu talogalay oo aan gaadhsiin doonaa dadka soo guurtada ah, haday yihiin kuwa u guuray bariga ceergaabo iyo haday yihiin kuwa u guuray galbeedka Ceergaabo. 90 booyadoodna waxaan ugu talo galay degmada Ceel-afwayn, 85 ka mid ahna waxa la gaynayaa degmada Gar, adag”.

Gudoomiye Axmed Idaber ayaa waxa uu iftiimiyey marka loo eego baahida biyaha ee ay qabaan dadka lagaga tagay deegaanada abaartu aadka u saamaysay iyo kuwa u guuray meelaha kaleba sida aanay wax badan uga taridoonin deeqdan biyaha ee ay soo gaadhsiiyeen gudida abaaraha heer qaran balse ay tahay kaliya dhiig joojin isla markaana loo baahan gurmad biyo dhaamis oo intan ka badan.

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland inay soo gaadhaan dadka ay abaartu ku dhifatay ee deegaanada hoosyimaad gobolka sanaag, waxana uu gudoomiyuhu ka dayriyey xaalada abaareed ee haatan ka taagan gobolka sanaag taasi oo dad iyo duunyaba ay waajahayaan xaalad qalafsan.

Masuuliyiinta gudiga abaaraha ee heerka qaran kala wareegay deeqda biyaha ayaa ka dayriyey xaalada nololeed ay waajahayaan dadka laga tagay deegaanada baartu aadka u saamaysay waxan ay sheegeen dad kaasi inay u baahan yihiin gurmad degdega oo ay ugu horeeyan biyuhu.

Geesta kale abaaraha xooggan ee haatan ka taagan gobollada bari ee Somaliland sida Togdheer, Sool iyo Sanaag ayaa ah mid saamaysay dadka iyo xoolaha ka dib markii la waayey roobkii Dayrta oo xilligoodii haatan lagu jiro.

Deegaannadan oo hore Roobka Gu’gu qaarkood aanu helin qaar kalena aanay helin roob ku filan ayaa wajahaya xaalad abaareed oo aad u daran kuwaas oo ay ka dhasheen Biyo la’aan, baad la’aan iyo xoolaha oo aad u xumaaday.

Dadka reer guuraaga ah ayaa bilaabay in ay u guuraan dhul aad u fog fog sida deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo buuraha fog ee gobolka Sanaag. Waxayna adeegsanayaan baabuurta waaweyn ee xamuulka oo lagu daad guraynayo xoolaha jilicsan ee aan geli karin socdaalka aadka u dheer iyo dadka nugul.

Lacagta xoolaha lagu rarayo ayaa dadka deegaanku sheegayaan mid aad u badan taas oo qofka aan heli karin ku adag in uu la guuro xoolihiisa abaartu ku habsatay si uu ula baadi goobo meel baad iyo biyo laga heli karo.

Inta badan dadka ku dhaqan gobolada gaar ahaan ku wa ku nool meelaha miyiga Somaliland waxay u badan yihiin dad xoola dhaqato reer guuraa ah kuwaasi oo aan tabcan wax beera ah, sidoo kale malaha meelo biyo qabatina oo waa wayn sida dhaamam, balayo wakhti dheer lagaga baaqsan karo marka ay timaad abaar dheer oo keenta xaalad biyo la,aaneed.

Marka laga yimaad saamaynta ay keentay isbadalka cimilada ee dunida oo dhan saamaysay, waxa la tilmaamaa in dadkaasi ay aad u la dagaalameen dhirta ka dib markii gudinta lagula jarmaaday si dhirta ALLE inagu galaday looga shito dhuxu iyadoo ujeedadu at tahay macaash raadis aan manfac buuran oo geed loojara lahayn.

Wasaaradda deegaanka iyo isbadalka cimilada Somaliland oo inta badan wacyigalin, awaamiir iyo dagaalba la gasha dadka dhuxulaystada ah haddana dadaaladaasi weli ka ma dhigin qaar gabi ahaan ba Meesha ka saara jarida dhirta laga soo saarayo dhuxusha.

Isbeddelka cimiladu  waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee maanta dunidu waajahayso. Waxaana ay ka dhalataa korodhka gaasaska aqalka dhirta lagu koriyo (greenhouse gases) sida carbon dioxide (CO₂), methane (CH₄), iyo nitrous oxide (N₂O) oo hawada ku bata, kuwaas oo ka yimaada warshadaha, gawaadhida, jaridda dhirta, iyo isticmaalka shidaalka dabiiciga ah. Saameynta isbeddelkaasi waa mid baahsan oo ku habsatay dhinacyo badan oo nolosha aadanaha iyo deegaanka ah.

 

Isbeddelka cimiladu wuxuu sababay in roobku noqdo mid aan la saadaalin karin – meelaha qaarkood roobab xooggan iyo fatahaado ayaa soo noqnoqday, halka kuwo kalena ay la ildaran yihiin abaaro waqti dheer socda. Tani waxay si toos ah u saameysay wax-soosaarka beeraha iyo helitaanka biyaha.

Somaliland sanadihii u dambeeyey waxa laga cabanayey abaaraha soo noq-noqday oo ay u dambayso ta hada ka taagan gobolada bariga Somaliland xalka ugu dhawna waxa uu noqonayaa sida ay dunidu ba ay samayso sidii loo qorshayn lahaa Horumarinta nidaamyada kaydinta biyaha, dhisidda biyo-xidheenno (dams), balliyo, iyo biyo-mareenno si roobka la helo loo kaydiyo iyo dayactir lagu sameeyo ceelasha iyo ilaha biyaha si joogto ah.

Horumarinta dhaqashada xoolaha casriga ah in la yareeyo tirada xoolaha badan ee aan helin cunto iyo biyo ku filan, lana diirado xoolo tayo leh (quality livestock), in la sameeyo daaqsin wareegsan (rotational grazing) si dhulka u nasto iyo tababaro lagu barayo reer guuraaga sida loo maareeyo xoolaha xilliyada abaarta.