Faa,iidooyinka Caafimaadka ee Haylku Leeyahay

0
50

Qormada todobaadka waxaan kaga hadli doona faa,iidooyinka caafimaad ee uu leeyahay Haylka oo ah midho udgoon oo lagu darsado Shaaha, Caanaha iyo cuntada kaas oo u yeela dhadhan fiican iyo udgoon, waana geed daaweed caafimaad badan. Waddanka ugu badan ee haylka soo saara waa Guatemala.

Haylku waa xawaashka saddexaad ee dunida u qaalisan marka laga tago Saffron iyo Vanilla-da. Waxaa jira labo nooc oo hayl ah, mid madow ah iyo mid cagaaran. Haylku waa il qani ku ah macaadin, fitamiinno iyo walxo  caafimaadka faa,iido u leh.

Hadaba haddii aan soo aruurino faa’iidooyinka caafimaad ee laga helo haylka waxa ay kala yihiin:

Caafimaadka afka:

Haylku wuxuu la dagaallamaa bakteeriyada waxyeellada badan ee keenta suuska ilkaha ee loo yaqaanno “Streptococcus mutans”. Haylku wuxuu dilaa bakteeriyada keenta huurada wuxuuna udgooneeyaa afka.

 Caafimaadka Caloosha:

Haylku waxa uu kordhiyaa dheecaanka bayl, kaas oo hagaajiya caafimaadka dheefshiidka, islamarkaana ka hortagta laab jeexa iyo nabarrada caloosha, waxaa lagula tacaalaa lalabada iyo matagga, wuxuu yareeyaa hawada caloosha iyo calool fadhiga. Daraasado ayaa tilmaamay in haylku uu ka hortago bakteeriyada loo yaqaanno “Helicobacter pylori” oo keenta gaaska. Cab shaaha haylka leh si aad uga hortagto cilladaha caloosha.

Caafimaadka wadnaha:

Waxa uu yareeyaa heerka dufanka dhiigga, sidoo kale Waxa uu yareeyaa halista wadne xanuunka iyo dhan-qalalka (stroke) Shaaha lagu daro haylka wuxuu uroon yahay dadka dhiig karka qabo, waxaa ku jirta macdanta potassium oo ka qeyb qaadata kantaroolista cadaadiska dhiigga.

Cune xanuunka:

Haylka oo ah xawaash cuntada udug iyo dhadhan ku kordhiya, wuxuu hodan ku yahay maaddooyin mariidka liddi ku ah, iyo kuwo nabarrada cunaha iyo booga lagu daaweeyo. Haylku waxa uu yareeyaa kaarka cune xanunka iyo qufaca. Siyaabaha loo isticmaalana waxaa ka mid ah in biyo lagu kariyo, kaddibna dhowr jeer maalintii lagu luqluqdo ama in shaahiisa la cabbo.

Haylka waxaa ka buuxo maadooyinka sun-saarista oo la dagaallama cudurka kansarka. Daraasado la sameeyay ayaa muujiyay in haylku uu awood u leeyahay inuu baabi’iyo unugyada kansarka

Ka hortagga sonkorowga:

Haylka waxaa ku buuxda maadada “manganese” taas oo hoos u dhigta halista cudurka sonkorowga.

Cudurka neefta:

Haylku wuxuu uroonyahay hawo-mareenka, waxa uu yareeyaa xiiqsanaanta, qufaca, ciriiriga neefsiga iyo calaamadaha kale ee cudurka neefta ama asmada. Haylku wuxuu wanaajiyaa socodka hawada ee sambabada iyo neefsiga sidaas awgeed wuxuu u fiicanyahay dadka qabo cudurka neefta.

Hammada:

Haylka waxaa ka buuxa maado la yiraahdo “cineole” oo hammada kor u qaada.

Caafimaadka maqaarka:

Maadooyinka sun-saarista iyo fiitamiinnada ku jira haylka waxay sare u qaadaan caafimaad maqaarka. Haylku waxaa u wanaajiyaa qulqul wareegga dhiigga waxaa la dagaallamaa calaamadaha duqoobista sida duuduubka iyo laalaabka maqaarka.

Qulqulka wareegga dhiigga:

Haylky wuxuu qani ku yahay fitamiin C. Waxaa ku badan walxaha sunta saarista kuwaas wanaajiya in qulqul wareegga uu gaadho jidhka oo dhan sidaas darteed wuxuu kobciyaa dhalaalka dabiiciga ee maqaarka.