Hay’adda sanafalka Caafimaadka ee MSF,ayaa ku eedaysay dawladda Afganistaan ee ay maamusho Daalibaan amar diini ah oo ay haweenka dalkaas fareen in ay fuliyaan.
MSF,ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in haweenka bukaanka ah ee adeegyada caafimaad u soo doonanaya xarumaha daryeelka bukaanka in ay Daalibaan ku amarto in ay xidhaan Xijaab.
MSF waxaay sheegtay in amarradu ay dhaqan galeen laga soo bilaabo 5tii Bishan Novembar.
hay’adda samafalka caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa tidhi.
Haweenay lagu magacaabo Sarah Chateau oo madax ka ah Hay’adda MSF ee Afganistan,ayaa tidhi”Amaradani waxay sii carqaladeynayaan nolosha haweenka, waxayna xaddidayaan in haweenku helaan daryeelka caafimaadka.”
Dawladda Afganistan ee ay hoggaamiyaan Daalibaan ayaa amar ku siiyay haweenka bukaannada ah ee xarumaha caafimaad u tegaya in loo sameeyo adeeg bixin caafimaad iyo , kuwa shaqaalaha ahba inay xidhaan xijaab Islaami ah oo isku siideys ah, si ay u galaan xarumaha caafimaadka dadweynaha ee galbeedka magaalada Herat.






















