Dagaalyahannada Xamaas ee ku Jira Dhulka Hoostiisa oo caqabad ku noqday wajiga labaad ee wada Xaajoodka

0
54

Jared Kushner, oo ah wiilka uu soddogga yahay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump isla markaana ah wakiilkiisa u qaabilsan colaadda Qasa, ayaa Isniintii ku laabtay Bariga Dhexe.

Dhanka kale, dhexdhexaadiyeyaasha ayaa wajahaya caqabad cusub oo ku saabsan dadaalladooda ay ku doonayaan in ay wadahadallada ku saabsan xabbad-joojinta jilicsan ee u dhexeysa Israa’iil iyo Xamaas u gudbiyaan wejiyo cusub oo ka adag kuwii hore.

Arrimo muhiim ah ayaa weli aan la xallin, sida hub ka dhigista Xamaas, dib u dhiska iyo maamulka mustaqbalka Qaza, ama suurtagalnimada in la geeyo ciidamo caalami ah oo amniga ilaaliya.

Maadaama aan la hayn jadwal rasmi ah oo wadahadallada ah, kuwaas oo laga yaabo inay u baahan yihiin tanaasulo waaweyn oo labada dhinac ah — Israa’iil iyo Xamaas — waxaa soo baxaya su’aalo culus oo ku saabsan suurtagalnimada in wax horumar ah la gaaro.

Waxaa intaas dheer dhibaato cusub: dagaalyahanno dhowr ah oo ka tirsan Xamaas ayaa la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan godad ku yaalla magaalada koonfureed ee Rafax, meel ka dambeysa waxa loo yaqaan “Khadka Jaalaha ah” ee calaamad u ah xadka dhulka ay Israa’iil gacanta ku hayso.

Toddobaadkii hore, wakiilka gaarka ah ee Maraykanka, Steve Witkoff, ayaa sheegay in cafis la siin karo dagaalyahannada hubka dhiga, isla markaana arrintaas ay tusaale u noqon karto qorshaha ay Washington rajaynayso in lagu dabaqo inta kale ee Qasa.

Witkoff ayaa sheegay in 200 oo dagaalyahan la qabtay, inkastoo tiradaas aan weli la xaqiijin.

Wararka laga helay warbaahinta ayaa sheegaya in Kushner iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ay arrintaas ka wada hadleen Isniintii kulan ka dhacay magaalada Qudus (Jerusalem).

Xamaas hore ayay u sheegtay in dagaalyahannadeedu aysan is dhiibaynin, waxayna dalbadeen in loo oggolaado marin nabdoon oo ay ku baxaan — codsi ay Israa’iil ilaa hadda diidday.

Afhayeen u hadlay dowladda Israa’iil ayaa sheegay in Netanyahu iyo Kushner ay ka wada hadleen wejiga koowaad ee qorshaha, oo hadda socoda, kaas oo lagu doonayo in lagu badbaadiyo la haystayaasha soo haray, iyo sidoo kale wejiga labaad ee qorshahaas, kaas oo ka mid yihiin hubka ka dhigista Xamaas, in laga nadiifiyo Qasa hubka, iyo in la hubiyo in ururka Islaamiga ah aanu mar dambe saameyn ku yeelan Qasa.

Dagaalka Qasa ayaa bilowday kadib weerar ay Xamaas hoggaaminaysay oo dhacay 7-dii Oktoobar 2023 koonfurta Israa’iil, kaas oo lagu dilay qiyaastii 1,200 oo qof, halka 251 kalena la afduubtay.

Tan iyo markaas, in ka badan 69,000 oo qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Qasa, sida ay  sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Qasa, taas oo xogteeda ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay mid lagu kalsoonaan karo.

Wejigii koowaad ee xabbad-joojinta, oo dhaqan gashay bishii la soo dhaafay, waxay ujeeddadiisu ahayd in la joojiyo dagaalka, la sii daayo dhammaan la haysteyaasha, isla markaana si weyn loo kordhiyo gargaarka bani’aadantinimo ee la gaadhsiinayo Qasa.

Xamaas waxay ku wareejisay 20 la hayste oo nool iyo meydadka 24 kale oo dhintay, iyadoo afar meyd ah ay weli ku hadhsan yihiin Qasa.

Dhanka kale, Israa’iil waxay xabsiyadeeda ka sii daysay 250 maxaabiis Falastiiniyiin ah, 1,718 kalena waxay ku xidhnaayeen Marinka Qasa iyagoon wax dacwad ah lagu soo oogin, iyo 315 Falastiiniyiin ah oo ka soo hadhay Qasa.

Labada dhinac ee Israa’iil iyo Xamaas ayaa lagu eedeeyay inay jebiyeen heshiiska xabbad-joojinta: Israa’iil waxay ku eedeysay Xamaas inay si ula kac ah dib u dhigtay soo celinta meydadka la haystayaasha, halka Xamaas ay sheegtay in Israa’iil dishay ugu yaraan 240 Falastiiniyiin ah oo sidoo kale ay caqabad ku tahay gelitaanka gargaarka bani’aadantinimo.

Xamaas hore ayay u diidday inay hubka dhigto, iyada oo sheegtay inay sidaas sameyn doonto oo keliya marka la aasaaso dawlad Falastiin leedahay. Israa’iil waxay beenisay inay wax door ah ku leedahay maamulidda Qasa iyadoo u leexisay in arrintaas uu gacanta ku hayo Maamulka Falastiini ee uu taageero Reer Galbeedka, kaas oo maamula qaybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto.

Dalal badan ayaa ka caga-jiidaya inay ciidamo caalami ah u diraan Qasa iyada oo aan la caddeyn ujeeddooyinka, waxeyna ka cabsi qabaan in ciidamadooda ay la kulmaan dagaalyahanno ka tirsan Xamaas iyo kooxo kale oo Falastiiniyiin ah.

Ciidanka Israa’iil ayaa haatan gacanta ku haya 53% dhulka Qasa, waxaana la filayaa inay dib uga gurtaan qaybo kale marka la gaaro wejiga xiga ee heshiiska.

Iyadoo aan wax horumar ah laga filayn wada-hadallada, ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Reuters in ay suuragal tahay in Qasa loo kala qeybiyo laba qaybood, mid ay Israa’iil maamusho iyo mid ay Xamaas xukunto, iyadoo wadahadallada dib-u-dhiska ay u muuqdaan kuwo ku koobnaanaya qaybta ay Israa’iil gacanta ku hayso.

Dowladaha Carabta ayaa hore u muujiyay walaac ah in kala qaybsanaanta hadda jirta ay keeni karto in Qasa si joogto ah loo kala qaybiyo.

Qorshaha Trump ma uu soo jeedin waddo ama qorshe lagu gaadhayo dhisidda dawlad Falastiin ah, fikraddaas oo Israa’iil gabi ahaanba diidan tahay.