Somaliland oo Wada Qorshayaal lagu horumarinayo Dalxiiska iyo Dalxiiseyaasha Dalka

0
60

Todobaadka waxa aan qormada Ganacsiga ku eegi doonaa sidee Somaliland dhaqaale uga samayn kartaa Dalxiiseyaasha gudaha iyo Dibeddaba.

Haddaba Somaliland waxay leedahay Goobo badan oo Dalxiiska ku habboon kuwaas oo haddii si qorshaysan looga hawlgalo laga samayn karo malaayiin lacag ah oo Dalka ka kaaba dhinaca dhaqaalaha iyo horumarka, maadaama oo dadka ka faalooda dalxiiska Somaliland ay sheegeen in qiyaastii sanad walba laga samayn karo in ka badan 2 Million Dollorka Maraykanka ah.

Maalin kasta dabayaaqada Todobaad kasta waxa jira boqolaal dalxiiseyaal dhallinyaro ah oo isaga goosha magaalooyinka iyo goobaha dalxiiska ee dalka iyaga oo bixiya lacago badan oo ay siiyaan shirkadaha dalxiiska sidoo kale siyaabo badan u adeegsada lacagahooda si ay ugu damaashaadaan dalxiiskooda.

Meelaha ugu badan ee dadkaasi u dalxiisaan ayaa waxa ka mid ah magaalooyinka Berbera, Saylac, Bullaxaar, Maydh, Xiis, Laas-qoray, Jasiiradaha Sacaadadiin iyo Ceebood, Buurta Daallo, Buurta Gacan-Libaax iyo meelo kale oo badan kuwaas oo dhamaantood ah goobo u baahan in laga fikiro in la horumariyo loona diyaariyo qaab ka duwan sida ay hada yihiin si looga samayn karo dhaqaale badan.

Somaliland, oo ah dhul qurux badan oo dabiici ah islamarkaa leh hidde dhaqameed qani ah, ayaa leh awood ballaadhan oo ay ku noqon karto goob dalxiis oo caalami ah. Laga soo bilaabo xeebaha qurxoon ee ku teedsan Gacanka Cadmeed illaa Buuraha Daallo ee quruxda badan, laga soo bilaabo fanka dhagxaanta ee Laas-geel ee la yaabka leh.

Somaliland waxay leedahay dhammaan agabka soo jiidashada malaayiinta qof ee soo booqda marka aynu u eegayno dadka ka yimaada dibedaha.

Sidaas oo ay tahay, dunidu si weyn ugama warqabto hantideeda, iyo wershadaha dalxiiska ee waddanku waa kuwo aan horumarin. Si loo fur.furo awooddaas, waa in dawladdu qaaddaa tallaabooyin adag oo ay Somaliland ku horumarinayso masraxa caalamiga ah iyo abuurista jawi suurtagelinaya maalgashiga ganacsiga gaarka ah.

Xeebaha Somaliland waa dhagax dahsoon, oo leh mayl xeeb aan la taaban, tusaale  Berbera oo leh ciid dahabi ah iyo biyo turquoise ah, ayaa la tartanta qaar ka mid ah xeebaha ugu caansan adduunka. Iyadoo taasi jirto, kaabayaasha dhaqaalaha ayaa weli ah kuwa aad u yar, waxaana jira tan-siilaad yar oo laga qaado dalxiisayaasha caalamiga ah.

Horumarinta saxda ah ee goobaha dalxiiska, hoyga deegaanka, iyo hawlaha xeebaha sida quusitaanka iyo snorkeling waxay u bedeli karaan meelahan xudunta u ah dalxiiska xeebaha, soo saarista dakhli iyo abuurista shaqooyin bulshooyinka deegaanka.

Balse Badanaa marka aad maqasho Dalxiiseyaal ama Dalxiis waxa laga yaabaa inaad u aragto oo kaliya in uu yahay in wakhti wanaagsan lagu soo qaato meelo qurux badan iyo wixii la mid ah balse waxaanad ogayn in dalxiisku yahay mid laga samayn karo dhaqaale badan haddii sidii la rabay looga faa,iidaysto sababta oo ah waxa laga samayn karaa lacago badan oo si guud ay uga faa,iidaysan karaan bulshada iyo dawladda labadduba tusaale ahaan qof kasta oo dalxiisaya waxa uu bixinayaa lacagihii ay gaadiidka ku raacayeen iyo lacago ay kaga adeegtaan goobaha kala duwan ee gancasiga sida Tukaamada iibiya waxyaalaha la cabo iyo macmacaanada kala duwan, waxana intaa dheer Hotelada oo iyaguna lacago badan ka hela Dalxiiseyaasha gudaha dalka iyo kuwa ka yimaada dibeda labadaba.

Haddabo maadaama oo Dalxiisku yahay il dhaqaale oo wayn waxa loo baahan yahay in la helo siyaasado lagu hago iyo qorsheyaal lagu maalayo dhaqaalahaa si looga faa,iidaysto qaran ahaan iyo qof ahaanba, haddaba Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland oo ka duulaysa sidii looga faa,iidaysan lahaa Dalxiiska ayaa ku hawlan kulamo is dabo joog ah oo lagu gorfaynayo arrimahan waxana shalay xarunta wasaaradda ka qabsoomay shir muhiim ah oo lagaga arrinsanayey meeleyn­ta ujeedooyinka iyo mudnaanta Dalxiiska, kuwaas oo qayb ka ah dejinta Siyaasadda Horumarinta Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, si ay uga turjunto aragtida iyo himilada Wasaaradda ee horumarinta dalxiiska dalka.

Mashruucan oo ay hirgelinayso Hay’adda Cowater, islamarkaana uu maalgelinayo Midowga Yurub, ayaa Wasaaradda ka taageeraya hirgelinta Xeerka Dalxiiska, Siyaasadda Dalxiiska, iyo Istraatiijiyadda Horumarinta Dalxiiska, kaas oo ay ku dheer tahay samaynta mareeg internet oo gaar u ah adeeg bixinta dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirka waxa ka soo qaybgalay Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Mustafe Cabdi Dhamac, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta, Mudane Barkhad Cabdi Xasan, Agaasimaha Waaxda Dalxiiska iyo Aasarta, Mudane Caydaruus Cabdi Ismaaciil, Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Dalxiiska, Mudane Axmed Cabdisalaan Caydiid, La-taliyaha Wasaaradda ee Arrimaha Dhaqaalaha, Mr. Ben McConkey, iyo khabiirka hormuudka ah ee mashruuca lagu dhisayo Siyaasadda Horumarinta Dalxiiska, Dr. Maxamuud Xuseen.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo habayn lahaa ujeedooyinka istaraatiijiga ah, mudnaanta siyaasadeed, iyo hab-raacyada lagu dhisi doono Siyaasadda Horumarinta Dalxiiska iyo Xeerka Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu  dambayn, dhinacyada ayaa isla qaatay in la sii dardar-geliyo dedaallada socda ee ku saabsan curinta siyaasaddan, si loo helo dukumenti tayo leh oo hagaya jihada mustaqbalka ee dalxiiska dalka.