Qormada arrimaha ganacsiga ee todobaadkan waxa aan kaga hadli doonaa sida ay suuqyada iyo bulshaduba uga faa,iidaystaan fursadaha ganacsiga ee xiliga ramadaan bilaabanayso, sida caadada ah waxa jira in suuqayada maceeshada, kuwa agabka kala duwan iyo kuwa maacuuntuba ay helaan suuq wanaagsan iyaga oo iibiya alaabooyin ka badan in tii ay hore u iibin jireen tusaale ahaan haddii markii hore uu suuqu iska caajis ahaa xiligan aad ayuu mashquul u yahay oo waxa aad arki kartaa sida ay dumarku ugu mashquulsan yihiin adeegyada kala duwan.
Marka aad joogto suuqa qaybaha weelka waxa markiiba ay indhahaagu ku dhacayaan boqolaal dumar ah oo iibsanaya noocyada kala duwan ee weelka haba u badnaadaan kuwa loo adeegsado afurka ama cabitaanada e,
Hadaba qaar ka mida Haweenkii aan kula kulmay suuqa Hargeysa ayaa waydiiyey sababta xiligan ay u iibsanayaan weelkan badan waxana ka mid ahayd Ayaan Waayeel “walaal sida aad ogtahay waxa inagu soo fool leh Bishii barakaysnayd ee Ramadaan markaa waa in aan u sii diyaar garoobo oo sii iibsado weel badan maadaama oo hawsha iyo cuntaduba intii hore ka badanayaan oo aanu samayn doono afur badan iyo cashaba, waxa kale oo jira in gurigu u baahan yahay weelka cabitaanka iyo kuwo kale oo badan.”
Ayaan oo hadalkeeda sii wadatay ayaa tidhi “inta badan xiliga aan ramadaanta ahayn looma baahna agab badan oo inta guriga taala ayaa nagu filan balase imika sidaa maha sidoo kale waxa intaa noo dheer oo aanu qaadaynaa Raashinkii iyo cabitaanadii iyo qudaartii oo badan iyo xataa cunto wadanidii lagu suxuuran lahaa oo iyana badan, markaa walaahi Ramadaanta waxaanu galnaa shaqo badan iyo qarash badan oo baxa ilayn baahidii ayaa badanaysee”
“waxa kale oo aan kuu sheegi karaa in dhaqaale badani qoysaska ku baxo Bisha Ramadaan oo wax kastaa laba jibaarmaan, maanta waad ogtahay oo dalka dhaqaalihiisu aad buu u liitaa wax kastaa waa qaali oo maceeshadu waa qaali qudaarta qaarkeed waaba la waayay sida Cabe lafkii oo kale weelku waa qaali wax kasta oo aad iibso istidhaaba waa qaali inkasta oo Alle ha barakeeyee ganacsatada maacuunka guriga iibiyaa nala saayiraan hadana waad garan kartaa sida maanta xaal yahay”.
Geesta kale waxa aan iyaga wax ka waydiiyey sida ay uga faa,iidaysanayaan xiligan suuqa iyo macaamiishooda xassan oo ka mid ah raga haysta meheradaha weelka iibiya waxanu yidhi” wakhtiyadan oo kale waxa ay dumarku aad nooga iibsadaan weelka sida joogaga biyaha, bakeeriyada cabitaank, weelka mac macaanada loo isticimaalo iyo agabka kale ee lagu sameeyo afurada sida maqlayaasha markaa alxamdulillaah aad baanu uga faa,iidaysanaa xiligan oo kale maadaama oo dalabku badan yahay, inkasta oo uu xoogaa sanadkan wakhtigu iska adag yahay hadana dhib malaha oo qof kastaa wixii Alle ugu talo galay ayuu la kulmayaa suuquna waa subaxba cayn, maalin aan aad u faa,iidno maalin dhexdhexaad ah iyo maalin yar jilicsanba”
“waxaanu ku da,daalaynaa in aanay naga caban macaamuushayada qaaliga ahi oo si kasta oo aanu u raali galin karaynaba waanu samaynaynaa maadaama oo aanu la socono xaalada dalka iyo duruufaha dhaqaale ee jiraba waanan ku faraxsanahay in wargeyska Dawan halkan noogu yimi oo wax naga waydiiyey sida ay u socodaan suuqyada maacuunku”.
In kasta oo ay jiraan duruufo dhaqaale oo la darsay Ganacasatada somaliland ka dib gubashadii suuqii waynaa ee waaheen hadana wali waxa jira oo aad arkaysaa in uu soo kabtay inta badan ganacsiga yar yar ee somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa waxana aad u camiran oo dadku aad uga adeeganayaan qaybaha kala duwan ee suuqyada iyaga oo iibsanaya wax yaalo badan oo ay ugu diyaar garoobayaan Ramadaanta, waxana inta badan suuqyada mashquuliyey Haweenka oo aad u iibsanaya agabka guryaha, raashiinka, iyo wax yaal






















